Wasiirka Amniga federaalka soomaaliya oo Kenya uga digey Dhismaha Gidaarka Xuduuda

Wasiirka amniga Dawladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay markii u horaysay darbiga ay dowladda Kenya ka dhisayso xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto.
Wasiirka-amniga
Wasiirku wuxu sheegay in gidaarkaa dhismahiisa uu xad gudub ku yahay xuduudaha Soomaaliya, Dhismaha darbigan ayuu sheegay in uu keeni karo dhibaato dhank isku gudbida iyo isdhexgalka dadweynaha labada dhinac.
In derbi laga dhex dhiso laba xuduudood ayuu sheegay wasiir Cabdirisaaq in aaney fududayn ayna ka qayb qaadan keren xal u helid amaan buuxa oo uu sheegay in ay raadinayso dowladda Kenya.
Wuxuu sheegay in dawladda Kenya uu u dirayo fariin ah in ay ka dignaato dhibaatada ka imaan karta dhismaha gidaarkaa ayna ka lnoqdaan go’aanka ay ku damacsan yihiin xadaynta xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya.
Kala hadlida iyo la kulmida madaxda Kenya iyo cida u xilsaaran dhismahan Darbiga Kenya ayuu wasiirku sheegay in madaxda dowladdu horay ugala hadleen madaxda Kenya balse u baahan tahay in wasaaradaha khuseeya kulamo ka yeeshaan.
Dowladda Kenya ayaa horay u shacisay in ay xirayso xadka ay la dagaato Soomaaliya iyadoo darbi dheer ka dhisaysa xadka si ay amaankeeda u xoojiso isbedelna uga samayso Sidoo kalana ula socoto dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.
Wasiirka-amniga
 
Berberanews.com