167 Qoxooti Ka Soo Qaxay Dagaallada Dalka Yemen Oo Soo Gaadhay Dekedda Berbera

Berbera (berberanews ) – Magaalada Berbera ayaa Jimcihii Maanta lagu soo dhaweeyay qoxooto hor leh oo ka soo cararay dagaallada iyo duqeymaha ka socda dalka Yemen.
 
Qoxootigan oo iskugu jira Yemeniyiin iyo Soomaali oo uu dekedda Berbera keenay Markab ka soo qaadey dalka Yemen ayaa waxa markiiba loo daabuley goobaha ay dawladda Somaliland uga samaysay gudaha Magaalada Berbera, halkaasi oo saddex maalmood ka dib qaarkood looga amba-bixin doono, halka dadka Yemen u dhashayna meelaha kale ee loo diyaariyey la geyn doono.
 
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay “Hore waxa noo soo gaadhay 4,973 qof, maantana (shalay) waxa yimid 167 qof qoxooti ah, si wanaagsan ayaanu u soo dhaweynaynaa, horena waanu u soo dhaweyn jirnay” ayuu yidhi.
 
Qoxootigan yimid shalay ayaa noqonaya qaybtii koowaad ee Somaliland soo gaadha tan iyo markii dawladda Somaliland ka noqotey go’aankii ay hore ugu joojisay qoxootiga Soomaalida ah ee ka soo qaxaya colaadaha dalka Yemen.

berberanews.com