Bbc-(Berberanews)-Waxaa weli ka socda qeybo badan oo ka tirsan caasimadda gurmadka loo fidiyo dadka ay waxyeeladda kasoo gaadhay roobka.
Sidoo kale waxaa kooxaha gurmadka ayaa meydad dheeraad ah ka baadhaya kala wareega Nkrumah oo ah halka uu ku yaallo kaalinka shidaal ee gubtay.
Dabka ayaa saameeyay saddex guri oo ka agdhow kaalinka gubtay.
Xaaladda magaalada ayaa ah mid qasan, guryaha ayaa waxaa qariyay biyo, derbiyada ayaa dumay, gawaadhidana waxaa qaaday daadadka, halka wadooyinka ay badankooda go’an yihiin.
Maalin musiiba ah ayay u tahay dad badan oo ku nool Accra. Boqolaal qof ayaa ku xaniban xafiisyadooda halka qaarna ay xalay ku dhex baryeen gawaaridooda.
Nin la hadlay idaacad maxali ah ayaa sheegay in caruurtiisa uu kor saaray qaanadaha guriga, maadaama uu daadka soo galay qolalka gurigiisa.
Waxaa la arkay dad badan oo xiran dharka jiifka, kuwaas oo roobka dhex lugeynayay kaddib markii ay guryahooda biyo galeen.
Qeybo badan oo ka mid ah caasimada Accra ayaa waxa ka go’aday korontodii kaddib markii ay burbureen khadadkii korontada qeybinayey. Durbadiiba waxa la dareemayaa in korontadu ay gabaabsi tahay.
In badan oo ka mid ah gannacsada ayaa ku hanti beelay roobabka labada maalin da’ayay oo waxyeelo u gaystay caasimada. Khubarada dhinaca hawadana waxay ka digayaan in ay di’i doonaan roobabka kale oo badan.