Syria(berberanews)Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay muuqaal iyo sawiro laga qaaday ruux sheeganaya inuu u dhashay dalka Shiinaha kaasoo loo aqoonsaday inuu ka mid yahay dagaalamayaasha ugu faca weyn ee Daacish ka tirsan.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Max’ed Amiin waa 80 jir waxaana uu ku sheegay waraysi laga qaaday inuu kasoo tagay wadanka Shiinaha kadib markii uu dhibaato adag la kulmay waxaana uu imika ku sugan dalka Syria oo uu ka dagaalamo.
Sawirada iyo muuqaalka ay kooxda Daacish baahisay waxaa ka muuqanaya Max’ed Amiin oo wata qoriga AK47 marna dul fadhiya qori weyn oo dul saaran gaadhi tikniko ah.
Asaga iyo xubno qoyskiisa ka tirsan ayuu sheegay inay kasoo carareen dhulka ay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Shiinaha degaan waxaana uu xusay inuu awood u leeyahay dagaalamo socdana ama uu lugeeyo wax ka badan 4 km.
“Waan kasoo hijrooday dhulka ay gaalada Shiinuhu xooga ku haystaan waxaanse ku haminayaa inaan ka xoreeyo oo ay qilaafadda Islamku gaarto” ayuu yidhi.
Inuu maalin walba furimaha dagaalka tago oo uu rasaas rido ayuu sheegay 80 jir kan Shiinaha u dhashay ee Daacish hadda ku jira.
Max’ed Amiin waxaa uu ka tirsanaa Muslimiinta cadaadiska la saaro ee dega gobolka Shiinjiin waxaana warbaahinta Shiinuhu sheegeen inuu imam masjid ahaa.
Dhulka Muslimiinta Shiinaha waagii hore waxaa loo yaqaanay Turkestan waxaana Muslimiinta hadda dalka Shiinaha ku nool la kulmaan culays adag oo dhanka dawlada kaga yimaada.
“imika waxaan ahay shaqsi awood leh oo dagaalami kara kadib markii aan tababar qaatay hubna helay” ayuu yidhi ruuxaan ay Daacish soo bandhigeen ee loo aqoonsaday dagaalamaha ugu da’da weyn ee Daacish ku jira.
Sidoo kale muuqaalka Dacish waxaa kasoo muuqday caruur yar
Berberanews.com