Sucuudiga oo dhaqaale dul dhigay soo sheegista cidda qaraxyada ka fulisa masaajidada Shiicada

Riyaad-(Berberanews)-Dawladda Sucuudiga, ayaa lacago abaalmarin u ballanqaaday inay siin doonto cidkasta oo sheegta, isla markanaa warbixin buuxa ka bixiya kooxaha weerarada qaraxyada ah ka fuliya masaajidada qoomiyadaha Shiicadu ku leeyahay gudaha dalka Sucuudiga.

Qaraxyada Sucuudiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sucuudiga, ayaa soo saartay in liis ay ku qoran yihiin magacyada 16 qof oo lagu eedaynayo inay lug ku leeyihiin weeraro qaraxyo ah oo lala beegsaday masaajido Shiicadu leeyihiin oo ku yaal gudaha dalka Sucuudiga, iyadoo la ballanqaaday in cid kasta oo raggaas sheegta halka ay ku sugan yihiin ama macluumaad ka bixisa la siin doono abaalmarin lacageed oo dhan 5 milyan oo lacagta riyaalka ah, una dhiganta $1.3 milyan oo dollar.

 

Sida lagu faafiyey wakaalada wararka Sucuudiga , waxa kaloo Sucuudigu ballanqaaday inuu bixin doono lacag dhan $1.9 milyan oo dollar, lana siin doono cidkasta oo fashilisa, warbixina ka keenta weeraro kale oo la qorshaynayo in mustaqbalka lagu qaado masaajidada Shiicada iyo guud ahaanba dalka Sucuudiga.

“Cidkastoo loo tuhmo inay weeraro ka fuliyaan gudaha Sucuudiga, gaar ahaan goobaha cibaadada ee dadka Shiicada ah tallaabo sharci ah oo adag ayaa laga qaadi doonaa, iyadoo abaalmarino qaali ah la siin doono qofkasta oo macluumaad ka keena dadka la tuhunsan yahay iyo cidda abaabusha weerarada qaraxyada ah.” Sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay Wasaaradda Daakhiliga ee Sucuudiga.

Dagaalyahannada Daacish ama ISIS ee ka hawlgala gudaha dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa sheegtay weeraro qaraxyo ah oo laga fuliyey gudaha dalka Sucuudiga toddobaadyadii la sii dhaafay, iyagoo ballanqaaday inay sii xoojin doonaan weerarkooda ka dhanka ah degaannada dadka Shiciidu ku nool yihiin ee gudaha dalka Sucuudiga, kuwaasoo qorshahooda lagu sheegay inay doonayaan sidii ay dagaal dhinaca diinta ah uga dhex abuuri lahaayeen Sunniyiinta iyo Shiicada Sucuudiga ku wada nool.

Magacyada 16 qof ee dawladda Sucuudigu ku raadinayso lacagta abaalmarinta ah waxay kala yihiin; Ebrahim Al Wazan, Ahmad Al Ghamdi, Bassam Al Yahya, Hassan Al Qahtani, Hassan Al Shamri, Saeed Al Rasheed, Sultan Al Shahri, Suwailem Al Rowaili, Abdul Rahman Al Shahri, Abdul Rahim Al Mutlaq, Abdul Hadi Al Qahtani, Faisal Al Zahrani, Mohsen Al Otaibi, Mohammad Al Anzi, Mohammad Al Zahrani and Hisham Al Khudair, kuwaasoo dhammaantood u dhashay dalka Sucuudiga.

Warbixinno soo baxay, ayaa sheegay in muwaaddiniinta dalka Sucuudiga oo tiradoodu dhan tahay 16 milyan oo qof ay qiyaastii 14% ilaa 15% ka yihiin qoomiyadaha Shiicadu.