“Waxaan rajaynayaa inaan dadka u shaqeeyo oo inta awoodayda ah..”Gudd Maxkamadda sare

Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiyaha cusub ee Guddida Caddaaladda, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ballanqaaday inuu waxqabad iyo dedaal dheeraad ah ula tegi doono bahda Garsoorka.

ansixinta guddoomiyaha maxkamadda sare

 

Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo saxaafadda la hadlay kadib markii uu codka kalsoonida ka helay mudanayaasha Guurtida iyo Wakiillada shalay, waxa uu sheegay in la saaray masuliyad culus, isagoo xusay inuu sinnaan iyo caddaalad ugu shaqayn doono bulshada Somaliland muddada uu xilka hayo.

“Runtii dareenkaygu wuxuu isugu jiraa laba, oo marka hore waan ku faraxsanahay in labadii aqal ee Baarlamaanku kalsooni i siiyeen, midna labaadna runtii waa masuuliyad culus. Markay bulshada dhexdeeda noqoto waxqabadka yaala iyo Illaahay hortiisa waa masuuliyad culus. Markaa kalsoonidaa dadku igu qabaan ee codka la igu siiyay waxaan rabaa in aan dadka ugu shaqeeyo, ta dambena waxaan rajaynayaa Illaahayna inuu ii fududeeyo, dedaal badana aan sameeyo, dadkana aan la tashado Insha Allaah,” ayuu yidhi mudane Aadan Xaaji Cali.

Waxa kaloo Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare tilmaamay in bahda garsoorku ku hawlgalaan duruufo adag oo qalafsan, kuna dedaal dono sidii uu arrintaas wax uga qaban lahaa wixii awoodiisa ah, waxaannu yidhi; “Caddaaladda waynu ognahay oo dhawr iyo labaatankaas sanno wuxuu ahaa laf-dhabarta qaranka, waxay ku shaqeeyaan duruuf adag, wax badana way qabteen, waa meesha kaliyaata ee dadku u gar tagaan ee kala haysa ee kala hagta, markaa waxaan rajaynayaa in aan halkaas wax kaga sii darro oo aan wax ku kordhiyo, waxtarna ula tago. Waxa aan aad iyo aad ugu mahadinayaa Madaxweynaha Somaliland oo mansabkan ii magacaabay oo ii soo jeediyay iyo labada gole (guurtida iyo wakiillada) oo iyaguna kalsoonnidoodii igu siiyay inaan bulshada u shaqeeyo, waxaanan rajaynayaa inaan dadka u shaqeeyo oo inta awoodayda ah caddaalad iyo waxqabad ku dedaalo Insha Allaah.”

Geesta kale, labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada oo fadhi wada ijr ah yeeshay, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Fadhiga oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ka soo xaadiray 122 xildhibaan, waxaana ogolaaday oo codka kalsoonida siiyey 110 xildhibaan, halka 11 ka mid ah ay ka aamuseen, cid diiday may jirin, guddoomiyuhuna muu coddayn, sidaas ayuu codka kalsoonida ku helay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed.