Cayaaro-(Berberanews)-Barcelona ayaa ku guulaysatay Champions League kadib markay kulankii Final-ka ee ka dhacay Berlin 3-1 kaga badisay Juventus, kaasoo noqday koobkii afraad ee ay ku guulaysato tobankii sanno ee u dambeeyay.
Daqiiqadii afraad ee ciyaarta waxa Barcelona gool-dhalinta u furay Ivan Rakitic, waxana lagu kala nastay fursado badan oo Buffon bad-baadiyay iyo Barcelona oo gool ku hoggaaminaysa ciyaarta.
Qaybtii labaad markii lagu laabtay ayuu Juventus goolka barbar dhaca u saxeexay Alvaro Moratta, balse waxa goolka labaad Barcelona u saxeexay Suarez, halka dhamaadkii ciyaarta gool koontaro ataag ah uga dhaliyay Neymar.
Waa Champions League shanaad ee Barcelona ku guulaysato, halka sannadkan kaga guulaysteen saddex koob oo waaweyn, isla markaana Xavi oo saftay kulankii 151 kulan oo Champions League ka tirsan uu noqday laacibka ugu safashada badan.