Magacyada saddex xildhibaan oo Guddoomiye Saleebaan amray in tallaabo laga qaado

Hargeysa (Berberanews)- Golaha Guurtida Somaliland oo weli ku adkaysana sharcinimada go’aankii ay muddada sannadka ah iyo tobanka bilood ah ugu kordhiyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada, ayaa galay fasax laba bilood ah.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleeban Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyey fadhi lagu soo xidhay kalfadhigii 56-aad ee aqalka odayaashu yeeshaan maanta, ayaa mar kale sheegay in muddo-kordhintii goluhu sameeyey ahayd mdi sharci ah oo aan marnaba laga noqon karin, maadaama uu yahay mid dastuuri ah, isagoo xusay in haddii laga noqdo go’aankaasi dastuuriga ah aannu dalku sii jirayn. Sidaasi darteedn, waxa uu dalbaday in la anshax-mariyo saddex xildhibaan oo ka tirsan Guurtida oo soo dhaweeyey heshiis saddexda xisbi siyaasasadeed iyo xukuumaddu ka gaadheen waqtiga qabashada doorashada, kaas oo muddo saddex bilood iyo badh ah ka soo horumariyey xilliga Guurtidu qabteen.Golaha Guurtida

Gudoomiyaha aqalka guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa saddex mudane oo golahaasi ka tirsan dalbaday in la anshax mariyo kadib markii ay saxaafadda ka sheegeen inaan muddo kordhinta guurtidu samaysay ahayn mid haboon.

Gudoomiyaha Guurtida ayaa guddida joogtada ah u gudbiyay warqad ujeedadeedu tahay sidii mudaneyaashaasi loo anshax marin lahaa, isagoo ku eedeeyay inay ka hor yimaadeen go’aan gole.

Md. Saleebaan oo qoraal dacwad ah u gudbiyey Guddiga Joogtada ah Golaha Guurtida, waxa uu ka dalbaday inay anshax-marin ku sameeyaan saddexda xildhibaan ee kala ah; Axmed Muuse Obsiiye, Maxamed Weli Warsame Cali iyo Mubaarig Axmed Jaamac, waxaanna warqaddaasi u qornayd sidan;

Guddoomiye Saleebaan

“Mudanayaal; sidaad ka war-qabtaan goluhu go’aan ayuu gaadhay uu ku asnixiyey codkii ugu badnaa, go’aankaasi oo la xidhiidhay muddo-kordhinta oo waafaqsan Qoddobka 83 ee Dastuurka Qaranka. Sidaas awgeed mar haddii uu goluhu go’aan gaadho waxa waajib ah in loo hoggaansamo, lana wada difaaco, balse saddexda mudane ee kor ku xusani waxay ku kaceen dambi, kaasi oo ka horimanaya go’aan gole, iyagoo siiyayna warbaahinta warar shaki galin kara go’aanka golaha ee ay ka mid ahaayeen.

Haddaba, waxa laydin farayaa inaad ka soo talisaan wixii goluhu ka yeeli lahaa, kana go’aan gadhaan,” ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu ka hadlay xallinta colaado ka jira deegaannada Taleex iyo Buuhoodle oo uu tilmaamay inuu waajib ka saaran yahay Golaha Guurtida inay dhammeeyaan colaadahaasi si nabad looga dhaliyo beelaha khilaafku ka dhex jiro.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi uu yeeshay 11-kii bishii hore ee May 2015 u kordhiyey xilka xukuumadda KULMIYE iyo Golaha Wakiillada muddo 22 bilood ah, kuna beegan 27 March 2017, kadib markii ay qabsoomi waayeen doorashooyinkoodii u qorshaysnaa dhammaadka bisha June ee 2015.

Haseyeeshee, khilaaf xisbiyada mucaaradku kala horyimaadeen muddo kordhinta Guurtidu samaysay, waxa gogol wadahadal Madaxtooyadu furtay ay saddexda xisbi siyaasadeed iyo xukuumaddu ku heshiiyeen in doorashooyinka dhacaan badhtamaha bisha December 2016, balse waxa arrintaas sharci-darro ku tilmaamay Golaha Guurtida oo ku adkaystay in go’aankooda muddo-kordhinta.