Barcelona ayaa heshiis shan sanno ah la gashay Aleix Vidal oo ka tirsan Sevilla, isla markaana si rasmi ah uga mid noqon doona toddobaadka dambe ka hor inta aanay dhicin doorashada guddoomiyaha kooxdan.
25 jirkan ayaa loo ogol yahay inuu tababarka la sameeyo laacibiinta Sevilla, balse aannu u safan doonin kulamada caalamiga ah ee iyo kuwa saaxiibtinimo, maadaama qandaraaska labadan naadi heshiis ka gaadheen.
Laacibkan ayay Barcelona ku iibsatay lacag dhan 10 milyan euro, isagoo ka ciyaari kara dhammaan qaybaha kala duwan ee difaaca, taasoo ah sababtay uu Luis Enrique u dalbaday iibkiisa.
Waxa la filayaa in Aleix Vidal buuxin doono booska Dani Alves, kadib markii Barcelona ku guul-darraysatay inay heshiiska u kordhiso, inkastoo aanay kala caddayn inuu xaggaagan ka tegi doono iyo inkale.