Hargeysa (Berberanews)- Xisbi-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa ka hadlay magaca Guddoomiyahooda Muuse Biixi Cabdi oo si been-abuur ah loogu adeegsaday baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Internetka.
Xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in magaca Guddoomiyaha si been-abuur ah loogu isticmaalay barta bulshada ee Facebook, laguna faafiyey qoraallo aflagaado ah.
Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Maamulka xarunta iyo xidhiidhka saxaafadda ee KULMIYE Mr. Mustafe Iid Maxamed galabta, kaas oo u qornaa sidan;
“Ujeeddo: Beenin;
Waxa jirta in si been-abuur ah magaca Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi loogu isticmaalay barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook.
Haddaba, xisbiga KULMIYE wuxuu u caddaynayaa bulshada iyo cid kastoo wax lagaga sheegay qoraallada lagu baahiyey akoonkaasi Facebook-ga ee sida been-abuurka ah loogu isticmaalay magaca Muuse Biixi Cabdi in aannu lahayn Guddoomiyaha xisbigu.
Gabogabadii, waxaannu u sheegaynaa kuwa been-abuurka magacyada caaddaystay aanay waxba sidan ku yeeli karayn karaamada iyo sharafta madaxda Qaranka ee ay lafahooda uga waantoobaan,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-saxaafadeedkaasi.