Hargeysa (Berberanews)-Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo dadweynaha ka codsaday inay u duceeyaan, isla markaana wixii lagu taageeri karo loo sameeyo Abwaan Cali Sugule (Dun-carbeed oo ka mid ah tiirarkii fanka iyo suugaanta Soomaalida oo ku xannuunsanaya dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiir Cukuse oo ka mid ah weftiga madaxweyne Siilaanyo ee safarka ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa Abwaan Cali Sugule ku booqday gurigiisa oo ku degan yahay magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabta maanta.
“Waxa aan magaalada Shariqa ee dalka Imaaraadka Carabta ku booqday abwaankeennii weynaa, hal-abuurkii, suugaanyahankii ka mid ahaa shakhsiyaadkii koobnaa ee fankeenna iyo sugaanteenna seeska u dhigay, waxaynu raacaynaa waddadii hal-abuurku inoo jeexay ee uu inagu dhiirigeliyey, kaasoo ahaa in aynu yeelan karno dhaqan sugaaneed oo gaar ah iyo miyuusig gaara, inagu dhiirigaliyay inuu qormiba karo. Shakhsiyaadkii dariiqaasi jeexay ee ka dhigay fanku inuu noqdo wax lagu faano wax ummadda loogu faa’iideeyo, wax diinta wax ka tara, wax dhaqanka wax katara, wax waddaniyada wax ka tara, wax gumaysiga la dirira, wax xorriyada soo celiya dadkii ina baray iyo hal-abuurkeenii weynaa ee Cali Sugulle oo xannuun sanaya,” ayuu yidhi Cabdillaahi Cukuse.
Waxa kaloo uu sheegay in Abwaan Cali Sugule u baahan yahay in caawimo loo fidiyo, waxaannu yidhi; “Ilaahay (SWT) gar-gaarkiisa ayuu u bahanyahay, waxa kaloo uu u baahan yahay gargaarkeenna. Dhammaan intii uu dalka gashaday, intii uu dadka gashaday, intii uu dhaqanka gashaday, intii uu sugaanta gashaday, intii uu hal-abuurka gashaday intii uu waddaniyada gashaday abaalkeedii dadka iyo dalkaba wuu ku leeyahay, Ilaahay ha inaga dhigo kuwii isagana gacan qabta isaga iyo inta la midka ahna ee maanta gacanteenna u baahana u gar-gaari karta. Waxa aan Ilaahay uga baryayaa inuu siiyo caafimaad, waxaanan u gudbiyey salaam aan uga siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagoo madaxweynuhu ii sheegay inuu ka mid ahaa dadkii la waqtiga ahaa suugaanta Abwaan Cali Sugule, isla markaana aqoon badan u lahaa.”
Waxa kaloo Wasiir Cukuse ka codsaday dadweynaha inay u duceeyaan, Ilaahayna uga baryaan inuu caafimaad sareecan ah siiyo Abwaan Cali Sugulle oo xaalad caafimaad u yaal magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabta.