Burundi oo maanta looga dareeray doorashada Baarlamaanka

Bbc-(Berberanews)-Maanta waddanka Burundi waxaa ka bilaabmaysa doorashooyinka Baarlamaanka, inkastoo uu dalkaasi qalalaase ku jiray muddo bilooyin ah, iyadoo bulshada caalamkuna ay ku baaqday in dib loo dhigo codbixinta.

Xaaladda ayaa aad u kacsan dalka Burundi, ayadoo la filayo inay dadku codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka baarlamaanka, oo ah tii ugu horraysay ee cod bixinno uu muran ka taagan yahay.

Waddanka ayaa qas ku jiray, tan iyo markii madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu mar 3aad isu soo taagi doono xafiiska, mucaaradkana waxay sheegeen in taasi ay ku xadgubayso heshiiskii muhiimka ahaa ee nabadda.150617095351_election_burundi_512x288_

Tiro dad ah ayaa ku dhintay banaanbaxyo ka dhan ah isku dayga madaxweynaha, bishii horena koox askar ah ayaa inqilaab isku dayey.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa ku baaqay in codbixinta dib loo dhigo, laakinse xukuumaddu waxay ku adkaysanaysaa in xaaladdu ay deggan tahay oo ay saamaxayso in doorasho la qabto.



Magaalada caasimadda ee Bujumbura ayaa dad badan deganaansho la’aantu waxay ka hor istaagtay inay is diiwaan galiyaan, waxayna dareensan yihiin in natiijada doorashada iminkaba la sii ogyahay.

In ka badan 120,000 oo qof ayaa waxa ay ka qaxeen dalkaa tan iyo bishii Abriil.