Magaalo ku Taal Masar oo Dhacdooyinka Cajiibka ee Adduunka Gashay

Magaalada woqooyiga Masar ee Alexandria ayaa dhacdooyinka caalamka ku gashay Jimcihii toddobaadkan, kadib markii ay samaysay miis dheer oo ay ku afurisay kumanaan muslimiin ah oo soomay, sida warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas soo tebisay.

Xubin matalaysay qiimeeyayaasha dhacdooyinka adduunka ku cusub (Guiness World Record) oo la yidhaa Sida Shibaysi, ayaa sheegay in xeeliga badda la dhigay miis aad u dheer, kaasoo 4 km iyo 303 mitir dhirirkiisu sida lagu soo xigtay wargeyska Al Masry Al Youn oo Jamhuuriya soo xigtay.

Siddeed boqol oo qof ayaa hawshan si mutadawacnimo ah u qabtay, waxaannu wargeyska luuqadda Ingiriisiga ku soo abaxa ee Ahram Onlne, sheegay in 7 kun oo qof ka qaybgaleen, laguna diiwaangeliyey in ay halkaas ka afuraan, balse waxa la xaqiijiyey in miiskan loogu talagalay in lagu afuriyo 10 kun oo qof.afurka-iyo-dhacdooyinka