Guddoomiyaha Suuqa Waaheen Ee Magaaladda Hargeysa Oo Ka Warbixiyay Dhaqdhaqaaqa Ganacsi Xilagan Ciida

Hargeysa (berberanews)- Gudooomiyaha ganacsatada suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa Md; Mawliid Qawdhan Siciid, ayaa ka warbixiyay dhaqdhaqaaq ganacsi ee suuqaasi ka socda, oo wakhtigan dadwaynaha tiro badan ka dukaamaysanayaan islamarkaana  ka iibsanayaan  alaabooyinka Ciida oo diyaar garow loogu jiro Ciida Sonfureed oo fooda inagu soo haysa.
gudoomiye
Gudooomiyaha ganacsatada suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa Md; Mawliid Qawdhan Siciid, oo u waramay wargeyska DAWAN.com isaga oo ku sugan meheradiisa ku leeyahay suuqaasi oo aanu ku booqanay, waxa uu sheegay in uu aad u wanaagsan yahay dhaqdhaqaaqa kala iibsiga alaaboyinka dadwwaynuhu isugu diyaarinayaan Ciida, waxaanu tilmaamay inay ciidamada amaanka CID-da ay kala shaqaynayaa amaanka suuqaasi isagoo tilmaamay mashquulka ka jira awgii tuug faro badani soo galaan.
 
 “runtii dhaqaaqa suuqa Waaheen waa mid aad sareeya mashquul badanina ka jiro, maadaama uu yahay suuqa ugu wayn caasimada Hargeysa iyo guud ahaanba dalkaba, islamarkaana wakhtigan ay ka dukaamaysanayaan dadwayne aad u badan oo iibsanaya alaabooyinka Ciida oo caruurahooda iyo guryahooda u gadaya” ayuu yidhi, Gudooomiyaha ganacsatada suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa, oo aanu wax ka waydiinaya dhaqdhaqaaqa suuqaasi Waaheen.
Gudooomiyaha ganacsatada suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa  waxa kale uu sheegay in amaanka suuqaasi ay kala shaqaynayaan ciidamada amaanka CID-da- isagoo xusay in mashquulka suuqaasi ka jira awgeed tuug badani ay soo galaan “sanadkan waxa amaanka suuqa Waaheen nagala shaqeynaya ciidamada amaanka CID, maadaama wakhtigan yahay xiliga Ciida oo suuqu ugu mashquulka badan yahay  ay soo galaan tuug badan oo isku dayaya inay mashquulkaasi u dhexraaciyaan”.ayuu yidhi Gudooomiyaha suuqa Waaheen Md; Mawliid Qawdhan Siciid.
 
Suuqa  Waaheen oo ah suuqa ugu wayn caasimada Hargeysa iyo guud ahaan dalka ayaa dhaqaaqa xoogan oo xagga kala iibsiga alaabooyinka ka jiraa iyadoo dadwaynaha reer Hargeysa ee diyar garow ugu jira Ciida Soonfureed ee fooda inagu soo haysa ka dukaamaysanayaa.
 
Berberanews.com