Maxaa ka Jira In Maskaxda Haweenku ay ka Hoosayso Mida Raga Maxayse ku kala Duwanyihiin?

US-(berberanews)-Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda California ee dalka Maraykanka, ayaa daboolka ka qaadday in dumarku ka maskax yar yihiin ragga, balse xagga isticmaalka kaga badan yihiin oo si xad-dhaaf ah ay u isticmaalaan.
images (2)
Haweenka ayey daraasaddu tilmaantay in ay maskaxooda ugu shaqeeyaan si xad-dhaaf ah oo xataa mararka qaar tamartu ka lunto si ay u gaadhaan natiijo wanaagsan, halka raggu ay la hadhaan fikiradahooda, sababtoo ah ragga maskaxdooda waxa ku badan unugyo ka hawlgala waxyaabaha macquuliyaadka ku dhisan, halka dumarkuna fikiradahooda degdeg ugu dhaqaaqan oo aanay wax dib-u-dhigis ah ku samayn.
Khubaradan oo ku takhasuustay hab-dhiska neerfisyada maskaxda ee farriimaha qaada ee aadamaha oo cilmi-baadhistooda la kaashaday mac-had ku yaal magaalada Madrid ee dalka Spain, waxay daraasadooda ku saleeyeen su’aal ahayd ? waa maxay sababta dumarka oo 8% ka maskax yar ragga ay haddana la fikir yihiin??
Saynisyahannada oo sameeyey tijaabo cilmi-nafsi ah oo ay ka qaadeen 59 haween ah iyo 45 nin oo da’adoodu u dhexayso 18 ilaa 27 jir, ayaa daraasadoodu daba socotay cilmi-baadhis hore, waxaanay ogaadeen in dumarku ku fiican yihiin inay go’aanadoodu isla beddelaan waqtiga, halka raggu ay yihiin kuwo hal-adag, sidoo kalena haweenka maskaxdoodu ay aad ugu fiican tahay hawl-qabadka degdegga ah.
 
Berberanews.com