Dhismaha ganacsiga Westgate Mall oo dib loo furayo. +Sawiro

Nairobi (berberanews)Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhismaha ganacsiga Westgate Mall ayaa la filayaa in dib loo furo todobaaadka soo socda, kaasi oo xirnaa muddo labo sano ah kadib weerar Alshabaab ay ku qaadeen oo lagu dilay inka badan 67 ruux oo dalal kala duwan ka soo jeeda.
 2A868FB300000578-0-image-a-81_1436899498210-500x334
Westgate Mall  suuqaasi ayaa lagu sameeyay balaarin aad u weyn, waxaana dhismahiisa u muuqanayaan mid ka duwan sidii hore, maadaama Al-Shabaab muddo afar maalin ah ay ka dagaalamayeen.
 
Evans Kidero  Gudoomiyaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dib u furida dhismaha Westgate aysan aheyn mid ay ka niyad jabeen markii weerarka Al-Shabaab ka geysteen magaalada Nairobi.
 
Dhanka kale Gudoomiyaha wuxuu sheegay  in dib loo soo celiyay dhamaan goobihii ganacsiga ee Westgate ku dhex yaalay, taasina ay keentay isku duubni ay muujiyeen shacabka iyo maamulka dalka Kenya.
2A86AE5200000578-0-image-a-79_1436899477170-500x3442A8696D800000578-0-image-a-82_1436899545278-500x334