Marxuun Fu’aad Aadan Cade Oo Aas Qaran Lagu Sameeyay Hargeysa –Daawo Sawiro

Hargeysa (berberanews) waxa maanta aas qaran oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo loogu sameeyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa Marxuum Fuaad Aadan cade oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Turkiga, maydkiisuna dalka soo gaadhay maanta.
GetAttachment (3)
Waxaana marxuumka loo aasay si heer qaran ah laguna deday calanka Somaliland, iyada oo ay marxuumka sideen cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, marxuumkana ay salaan sharaf siiyeen cutubyada ciidanka qaranka ka socday ee gelbinaayey marxuumka.
 
Ka dibna waxa lagu tukaday salaada jinaasada oo ay ka soo qaybgaleen dad aad u tiro badan oo isaga yimi guud ahaan gobolada dalka oo uu hogaaminaayeyna madaxweynaha qaranka Somaliland, kana mid ahaayeen madaxdhaqameedka Somaliland, waxgaradka, aqoonyahanka, xukuumad, Asxaabta Mucaaradka iyo qolayaasha qaranka dhamaantoodba.
GetAttachment (5)GetAttachmentGetAttachment (2)GetAttachment (11)GetAttachment (10)GetAttachment (9)GetAttachment (8)GetAttachment (6)GetAttachment (7)GetAttachment (5)GetAttachment (4)GetAttachment (3)GetAttachment (2)GetAttachment (1)GetAttachment
 
Halkan Ka Daawo

Berberanews.com