Cristiano Ronaldo oo filimkiisa cusub kaga hadlay qiso murugo leh oo soo martay

Cayaaro-(Berberanews)-Kabtanka xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo Filimkiisa cusub ayuu qeyb ka mid ah oo uu dhawaan uu soo ban-dhigay waxa uu kaga hadlay arrin murugo loo arkay, oo soo martay isagoo da’diisu ahayd 7-sanno jir,

Weerar yahanka kooxda Real Madrid CR7 ayaa isagoo ka sheekaynayana arrinta murugada leh ee soo martay ee filimkiisa ku jirta waxa uu yidhi “Markii aan jiray 7-sanno waxaan u sheegay aabahay inaan doonayo inaan yeesho guriga Michael Jackson oo kale, ka dib wuxuu igu yidhi Riyada waa Riyo oo keliya, dadka taajiriinta ayaa loogu talo-galay”.ronaldo-film-640x360

“Hadda waan weynaaday, riyadaydu way ii rumowday laakiin waxaan dareemayaa murugo, oo aabahay ma arkayo waxa aan ka gaadhay noloshayda, laakiin waxaan ogahay inuu cirka iga daawanayo” ayuu yidhi Ronaldo.

Filimkan cusub ee xiddigan caanka ahi uu soo saarayo ayaan la shaacin magaciisa iyo weliba xilliga rasmiga ah ee uu suuqa soo geli doona, laakiin waxa la hubo ayaa ah inuu noqon doono mid xiiso leh iibkiisuna uu xaami noqon doono.