SOLJA oo baaq u diray bahda Saxaafadda, Siyaasiyiinta iyo Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (Berberanews)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa baaq u diray qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka, xukuumadda, taliska booliska iyo Xeer-ilaalinta Qaranka.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa lagu sheegay in siyaasiyiin dano gaar ah leh ay si khaldan u adeegsadaan hay’adaha warbaahinta qaarkood.

 “Ururka SOLJA markii uu arkay, dersayna qoddobka 32aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo si cad u kafaala qaadaya xorriyatul-qawlka iyo qoraalka.

Markii uu arkay, muhiimadda horumarinta iyo kobcinta madaxbannaanida saxaafadda in ay qayb ka qaadatay nidaamka dimuquraadiyadda, sinnaanta, caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda muwaaddiniinta Somaliland.

Markii uu darsay, Xeerka Saxaafadda Xeer No. 27/2004 ee uu ansixiyay Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, saxeexayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dhaqan-galka ah, kaas oo xaqiijinaya muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo, tixgalinna la siiyo xorriyadda saxaafadda.

Waxa Ururka SOLJA u arkaa marxaladda saxaafadda Somaliland ku sugan tahay waqti xaadirkan inay tahay mid baahi weyn loo qabo inay xukuumadda Somaliland tixgallin siiso duruufaha ku gedaaman oo isugu jira kuwa ragaadinaya xilkii ay qaranka u hayeen iyo qaar hagar-daamo ku ah inay shaqadooda u gutaan sida Dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu jideeyey.

Duruufaha SOLJA u muuqda ee soo if-baxaya waxa ka mid ah in warbaahinta loo adeegsado qaab qabyaaladeed, iyo inay siyaasiyiintu u isticmaasho hub ay ku dagaallamaan, iyagoo ka faa’iidaysanaya xaaladaha ka jira dalka oo u muuqda kuwa haddii aan laga hortagin sababi kara in saxaafadda Somaliland ku dhacdo gacmo u adeegsan kara inay dalka ku dhibaateeyaan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu xukuumadda talada haysa ee Somaliland ugu baaqayaa inay bulshada u soo bandhigto barnaamijyada ay maamusho iyo kuwa ay hindisaysaba ka hor inta aanay bulshada ugu dhex faafin siyaabo loo adeegsan karo in la isaga horkeeno ama lagu abuuri karaba ujeeddooyin dhaawici kara ama sumcad xumo u soo jiidi kara qarankan yab-yabka ah ee aan wali ka mid noqon dawladaha la ictiraafsan yahay.

Xukuumadda oo warbaahinta u adeegsata ama ugu soo bandhigta hawl-maalmeedka ay qaranka u hayso inta uu sharcigu u oggolyahay, waxay horseedaa in bulshooyinka dimuquraadiga ee horu-socodka rabaa ay ka koraan walaahowga iyo walbahaarka kaga iman kara jillaafooyinka ay isku dhigaan hoggaanka talada haya iyo axsaabta mucaaradka ee doonaya inay beddelaan, iyadoo la ogsoon yahay Somaliland inay wax badan qabyo ka yihiin, haddana loo baahan yahay in si wadajir ah oo la isku ixtiraamayo lagaga baxo arrimaha Dastuurka Somaliland iyo xeerarka laga dheegay sida cad u qeexayaan.

Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay tixgaliso, isla markaana kobciso Hay’addaha warbaahinta Somaliland iyo suxufiyiinta ka hawlgalaba, iyadoo dhawraysa xuquuqda ay u leeyihiin inay dawladdu kabto, aqoon ahaan, dhaqaale ahaan iyo inay xirfadooda u gudan karaan si waafaqsan xeerarka dalka u yaal, isla markaana ka fogaato wax kasta oo ka lumin kara itijaaha ay u abuuran yihiin ee ah inay bulshada u adeegaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Xuuto.

Waxa kaloo SOLJA walaac xooggan ka muujiyey dhacdooyin maalmihii u dambeeyey ka dhacay dalka, kuwaasoo ay ku lugleeyihiin siyaasiyiinta mucaaridka iyo muxaafidka, “Ururka SOLJA waxa uu si weyn uga walaacsan yahay dhacdooyin beryahan dambe isa soo taraya oo wiiqi kara mihnadda saxaafadda Somaliland, kuwaasoo ka soo burqanaya siyaasiyiinta ku Loolamaya talada dalka, haddii ay noqon lahayd kuwa talada haya iyo kuwa mucaaradka ahba, ama haddii aan si kale u dhigno madaxda haya xilka qarankan ee ay tahay inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara haykalka dawladnimo.

Dhinaca kale, waxa ururka SOLJA ugu baaqayaa suxufiyiinta Somaliland inay ilaaliyaan karaamada iyo burjiga saxaafadda, isla markaana ka fogaadaan danaha maalinlaha ah ee ay ugu gabraaranayaan siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka qaarkood ee ka leexday xilka igman ee ay bulshadu ku ogtahay, kuwaas oo haddii aanay iska ilaalin dabinada ay u maleegayaan cawaaqib xumadeedu mar walba ku soo noqonayso suxufiyiinta.

Ururka SOLJA waxa uu mulkiilayaasha iyo tifaftirayaasha maamula hay’adaha warbaahinta ugu baaqayaa inay xil iska saaraan masuuliyadda ka saaran hay’adaha ay maamulaan iyo wararka iyo barnaamijyada ka baxa, kuwaas oo waqtiyadan dambe u muuqda in aan intooda badan lagu dabbaqin Xeerka Saxaafadda iyo hab-dhaqankii wanaagsanaa ee ay saxaafadda Somaliland ku soo caano-maashay xilliyada duruufaha adag dalka soo wajahaan ama ay jiraan aragtiyaha kala duwan ee ka dhasha mashaariicda dalka laga fulinayo.

Waxa SOLJA uu ugu baaqayaa masuuliyinta kala duwan ee xadhigga aan sharciga ahayn kula kaca saxaafadda, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey inay ka waantoobaan oo aanay u adeegsan ciidammada booliiska iyadoo aanay u haysan awood sharci oo uu jideeyey Xeerka Saxaafadda, sidoo kale-na SOLJA waxay ugu baaqaysaa suxufiyiinta inay ka fogaadaan dariiq kasta oo loo soo mari karo in lagu waxyeelleeyo.”

Guddoomiyaha SOLJA, ayaa sidoo kale  baaq u diray Taliyaha Booliska Somaliland iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaannu yidhi; “SOLJA waxa uu ugu baaqayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo xil iska saaray inay la shaqeeyaan ururka SOLJA marka ay yimaaddaan tacadiyada saxaafadda ka dhanka ah inay u dhug yeeshaan sababaha keenay dhacdooyinkii ugu danbeeyey, gaar ahaanna xadhiga Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo uu Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil xidhay isagoo shaqadiisa gudanaya, isla markaana waxaan ku baaqaynaa in si dhaqso ah xorriyaddiisa loogu celiyo.

Ururka SOLJA waxa uu mahadnaq ballaadhan u dirayaa cid kastoo xil iska saarta difaacidda, taageerida iyo horumarinta saxaafadda; haddii ay noqoto axsaabta, bulsho-weynta Somaliland, xukuumadda, bahda garsoorka, gaar ahaan waxaan si xushmad leh u soo dhaweynaynaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo meel cad iska taagay in nidaam sharci ah loo maro qaabka loola macaamilayo kiisaska saxaafadda.

Gebagebadii Ururka SOLJA waxa uu suxufiyiinta Somaliland ugu baaqayaa inay u midoobaan danta Qaranka, isla markaana ka fogaadaan danaha hoose ee khatarta ku ah Dadnimadooda, Qaranimada iyo wadajirka shacabka Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamaca (Xuuto).