Sepp Blatter oo Diiday in uu Sameeyay Wax is Daba Marin ah oo Ku saabsan Shaqadiisa

FIFA(berberanews) Qareenka madaxa Xidhiidhka kubadda cagta caalamka ee FIFA, Sepp Blatter, waxa uu sheegay inaan lagu wargelin tallaaba kastoo ay qaadayaan guddiga anshaxa ee xidhiidhka ee shaqada la doonayo in looga joojiyo.
sepp
Waxa ay sheegeen inay filayaan in guddiga ay Blatter dhageystaan ka hor inta aysan go’aanka ugu dambeeya gaarin.
Guddiga anshaxa ayaa ku taliyay talaabada kaddib markii xeer ilaaliyaha Switzerland uu billaabay kiis dacwad oo ka dhan ah Mr Blatter.
Waxaa lagu eedeeyay inuu heshiis aan loo dhameyn u saxiixay xiriirka kubadda cagta, uuna Laba milyan oo dollar siiyay madaxa UEFA Michel Platini.
Mr Blatter wuu beeniyay inuu wax qalad ah sameeyay. maanta ayaana la filayaa in go’aanka ugu dambeeyo ay gaaraan guddiga anshaxa ee FIFA.