Xagla-toosiye oo ku dhawaaqay murrashaxnimadiisa

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagada madaxweyne kuxigeenka xisbiga Kulmiye.

Munaasibadda ku dhawaaqistiisa musharaxnimo ayaa lagu qabtay Hotel Ambasador, waxaanu sheegay inuu yahay musharax u taagan Jagadaasi. Waxa uu codsaday in loogu hiiliyo jagadaasi, isagoo guushiisa ku sidkay midnimada Somaliland.