FADEEXAD CUSUB OO KA SOO KORODHEY HAMAHA BERBERA,DHAAMINTII SHIDAALKA EE LA XANIBEY+LACAG MADAXTOOYADA LOO RAREY+SIDA LOOLA BAXEY.

Hargeisa(berberanews)-Waxaa isa soo taraya xoggo iyo fadeexado la xidhiidha ama sheegaya in dhaamintii Haamaha Shidaalka Berbera ee dhawaan lagu wareejiyey Ganacsato macaash doona hakad galay,saakana aan hal Litir laga darin,waxayna xogguhu intaas ku dareen in wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan Xanibtay hawsha dhaaminta Shidaalka lacagayow la leexsaday darteed
madaxtooyada-oo-lacag-kale-baxdey-haamaha-300x286
madaxtooyada oo lacag kale baxdey haamaha
 
 
 
Xogguhu waxay sheegayaan in lacagtii canshuurta ahayd ee Wasaarada Maaliyada qaadi jirtay la lunsadey  Tobankii cisho ee hawsha kala wareejinta Haamuhu gurguuranaysay,lacagtaas ayaa ilo u dhuun daloolaa ama xogogaal u ahaa oo ka gaabsadey
in la carabaabo sheegeen inay Qasriga madaxtooyada loo raray,Waxaana lagu sheegay cadadka lacagtaas ilaa $400.000.
 
Lacagtan ayaa  $75.000 oo ka mid ah lagula baxay Tigidhada safarkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Siilanyo ku tegay UAE,Ireland & UK,halka badhna lagu bixiyey Baabuur Qaaliya oo Qof ka mid ah Qoyska madaxtooyadu iibsadey & Baabuur kale oo Madaxtooyadu qof kale Macrad Hargeysa ku yaala uga iibisay.Wixii lacag ee intaas dheerna waxaa xoogaha loo soo dusiyey Qarannews tibaxayaan in wasiirka Ganacsiga, ku-xigeenkiisa iyo Maareeyihii xilka ka degay ku anbabaxeen ama hore u sii qadhiidheen.
 
 
 
Xigasho Qaran