Magacyada Xubno Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Xilal 12 Masuul iska casileen qaarkood

Hargeys(berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Galabta magacaabay Shan Wasiir iyo Afhayeenkiisa gaarka ah, ka dib markii ay shalay Xukuumaddiisa iska casileen shan Wasiir, Shan Wasiir Ku-xigeen, Hal Agaasime Guud iyo Afhayeenkii Madaxtooyadu.
download
Waxa uu Buuxiyey Madaxweyne Siilaanyo Xilalka ay banneeyeen Wasiirrada shalay is-casilay qaarkood sida Wasaaradda Madaxtooyada, Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda arrimaha dibedda, halka uu xubno kale is-weydaariyey oo ay ka mid yihiin Wasiirradii Qorshaynta oo uu arrimaha dibedda u magacaabay, Wasiirkii Duulista oo uu Madaxtooyada u magacaabay iyo Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland oo uu Qorshaynta u magacaabay.
Sidaas waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa oo Xambaarsanaa Digreetada Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Magacaabista iyo isku beddelka ku sameeyey, hase-yeeshee, weli ma dhammaystirna Xilalka Xubnaha shalay iska casilay Xukuumadda Siilaanyo oo 12 Kursi ama Boos banneeyey.
Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta shabakadda berberanews, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3631/102015 Isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey golaha wasiirada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka mida wasaaradihii ay baneeyeen wasiiradii hore iyo Magacaabayna Afhayeen Cusub.
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;-
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday:-
n Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland(Hore Duulista).
In Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan).
In Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga).
In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland).
In Dr. Sacad Cali Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).
In Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).
In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
 
BERBERANEWS>COM