Barack Obama oo baaq u diray Ruushka iyo Turkiga

Bbc-(Berberanews)-Madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa ku baaqay in Turkiga iyo Ruushku ay hoos u dhigaan dareenka ka dhex taagan, todobaad kaddib markii ay Turkigu soo rideen diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay.

Kaddib markii uu Obama wadahadal kula yeeshay Paris, madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan, wuxuu mar kale u xaqiijiyay in Maraykanku ay taageerayaan xaqa ay Turkigu u leeyihiin in ay difaacdaan hawadooda sare.

Balse waxa uu si adag u sheegay in Turkiga iyo Ruushkuba ay dabciyaan muranka ka dhextaagan.

Obama waxa uu sheegay in ay hal cadaw leeyihiin isaga oo ula jeeda kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Wuxuu intaasi ku daray in uu doonayo in la xaqiijiyo in diiradda la saaro arrintaasi.150213110439_erdogan_obama_512x288_reuters_nocredit