Mudaharaad lagaga soo horjeedo dilkii Taliyaha oo ka dhacay Abdaal

Saaxil-(Berberanews)-Dadka ku dhaqan magaalada Sheekh-Abdaal oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil, ayaa isu soo bax sameeyey gelinkii hore ee Jimcihii maanta, isla markaana xidhay isu-socodka Gaadiidka kala duwan ee u kala goosha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, ka dib markii ay ka gedoodeen dil Askari qaybta Birmadka ee Booliska Somaliland ka tirsani Toogasho ku dilay Taliyihiisii qaybta Birmadka ee gobolka Saaxil.

Dilka Taliyihii Booliska Birmadka qaybta gobolka Saaxil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo), ayaa Khamiistii shalay ka dhacay magaalada Berbera, ka dib markii uu Askari ka tirsan Ciidanka uu Taliyaha u ahaa oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Khayre uu si badheedh ah saddex xabbadood ugu dhuftay sida la sheegay. Waxaanay dadweynaha Muddaharaadka ay Jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa ka soo horjeedeen dilkaas, isla markaana waxay dalbanayeen in si dhakhso ah sharciga loo hor-geeyo Askarigaas dilka geystay oo loo dilo Taliyaha.

Sidoo kale, magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayay shalay iyo maanta-ba gilgileen Muddaharaadyo xooggan oo rabshado watay, kuwaasoo ay dadweynuhu ku gooyeen waddooyinka magaalada dhex-deeda, isla markaana Taayirro ku shideen ama ku gubeen jidadka oo ay sidoo kale Dhagaxan iyo Jirrido ku gooyeen.

Hase-yeeshee, Ciidammada Ammaanka ayaa kala dareeriyey dadkaas. Sidoo kale, Ciidammada Booliska oo kaga soo baxay dhinaca Berbera, ayaa saacado xannibaadi ka taagnayd ka dib soo gaadhay Sheekh-Abdaal, isla markaana kala kexeeyey dadkii Jidkaas isku xidha Berbera iyo Hargeysa magaaladaas ka jaray ama xidhay, waxaana si caadi ah u soo noqday markaas ka dib isu-socodkii Gaadiidka kala duwan ee isu waydaaranayey dhinacyada Hargeysa iyo Berbera. Inkasta oo aan wax khasaare ah oo ka dhashay hawlgalladaas Boolisku kaga hor-tegayeen muddaharaaddada Rabshadaha wata ee ka dhacay magaalooyinka Berbera iyo Abdaal la soo sheegin, haddana Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa BBC-da u sheegay in dhawr qof oo shacab ah loo xidhay Rabshadahaas.

Muddaharaadka ka dhacay magaalada Sheekh Abdaal ee gobolka Saaxil ee ay dadka Muddaharaadayaasha ahi ku xidheen isu-socodka Waddada Berbewa iyo Hargeysa isku xidha, sida uu u dhacay, Gaadiidka Xannibmay iyo sida ay Ciidammada Boolisku uga hawlgaleen-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo

wanaagsan:-