Dhageyso -Ciidamada Jabuuti oo Dad ka badan 19 Qof ku Laayay Goob lagu Xusaayay Siyaarada Sheekh yoonis Muuse

Djibouti (berberanews)Wararka ka imanaya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in Dad ka Badan 19 qof ay ku dhinteen Tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay xaafadda Balbala.
Xiisaddan ayaa billaabantay subaxnimadii saaka xiligaasi oo dadweyne tiro badan ay isugu soo baxeen munaasabad Siyaaro ah oo sannad walba la qabto oo lagau xuso Sheekh Yoonis Muuse.
12376155_558129321005267_3102826257887378447_n
Ciidamada ammaanka ayaa isku dayay inay kala dareeriyaan dadkii ka soo qayb galay xuskan waxaanay taasi keentay in ciidamada iyo qaar ka mid ah dadweynuhu isku dhacaan Hayalkaasi oo Ciidamadu ay Adeegsadeen Rasaas Taasi oo Keentay in Goobtaasi ku Qudh Baxaan Qaar ka Tirsan Dadkii Goobta ku Sugnaa . Xaalada ayaa Haatan u Muuqata mid kacsan Taasi oo Keentay in ilaa Hada Ciidamadu ay Gaa Wareegaan Jidadka Caasimada , iyada oo Laga Cabsi Qabo in uu dhasho Kacdoo Shacab oo ka Dhasha Arintaasi .
Halkan Ka Dhageyso

12348001_558133364338196_1387429310920808731_n12376155_558129321005267_3102826257887378447_n
12376600_558129311005268_562515740321914470_n12391177_558129344338598_1256955652832855508_n (1)
Berberanews.com