Diiwaangelinta cod-bixiyaashu miyay fashilmaysaa , mise way guulaysanaysaa?

Maxaynu ka baran-karnaa Diiwaangelintii codbixiyaasha ee hore : Bal dib uga noqdo go’aankiisa lagu laalay natiijadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha dalka ka dhacday????………..

Gudida  doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa si rasmi u iclaamiyey mudada rasmiga ah ee diiwaangelinta codbixiyayaashu ay ka dhici doonto guud ahaanba Somaliland, waxaana laysa qaatay in lixda gobol ee dalku ka kooban yahay mid walba wakhti gaar ah laga hirgeliyo liisaska diiwaangelinta codbixiyeyaashu ,si loogu galo doorashada loo cayimay inay dhacdo 27-ka March 2017.”, sidaana uu Madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo , isna Digreeto Madaxweyne ku soo saaray wakhtigaasi , Waxaana laysla Go’aamiyey In Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee dalka ka bilaabmaysaa uu Gobolka ugu horreeya noqdo G/ Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.DIIWAANGELINTA CODBIXIYASHA 2016

Marka hore Diiwaangalintu waa mid dal ahaan iyo dimuqraadi ahaanba inoo wada wanaagsan,  dan weynina inoogu jirto ,hadii si wanaagsan loo maamulo qaadashada kaadhka diiwaangelinta waana xaq distooriya oo waajibinaaya hirgelintiisa distoorka Somaliland , iyadoo aan ka soo gudubnay marxalado badan.

Waxaana aynu la soconaa in Diiwaangelinta iyo doorashadaba ay mas’uuliyadeeda iska leeyihiin komishanka doorashooyinka , iyadoo wali la fahmi la’ yahay sababta ay Maamul xumada loogu sameeyay Mashruucii wacyigalinta ee Komishanka Doorashooyika iyo IOM ay u xilsaarnayeen ,badina ma jirin wacyigalin wadata qorshe cad oo la odhan karo xitaa macluumaad qoraal ah oo wacyi-galin ayaa dalka inta badan laga sameeyey waana Guul-darada ku habsatay Wacyigalintii Komishanka looga baahnaa.

 Gudidda Dorashooyinka ayaan illaa hada si waafiya ka hadal guul-darada ku habsatay wacyigalintii Diiwaangalinta oo furre u ahayd , inay dadku ku sii wacyi-gashanaadaan qaabkii isu diiwaangalin lahaayeen, waxaanay u muuqatay dhaqaalihii mashruucan lagu bixiyey oo dhamaa sida la sheegay laba Boqol oo kun oo Dollar in uu khasaaray.

Iyadoo ay beryahan dambe iska soo daba dhacayay fariimo ay dirayaan dadweynaha S/land  oo midba si u arko ama ay  aad ka cabanayaan , galdalooyin badan  oo diiwaangelinta ku jira, ahaydna in si dhaba wax looga qabto, iyadoo aan la dafiranayn, in ay walaac weyn dadweynuhu ka Muujiyeen Habka Diiwaangelinta,   Suurtagalna  ay u ahayd si wacan uga Bilaabanto Deegaanada S/land  , Siiba wacyi-gelin la,aanta Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee guud ahaanba goboladda iyo Jawaabtii Gudoomiyaha doorashooyinka oo la weydiiyey in hawsha wacyigelin la,aanta diiwaangelinta ee sidii loogu tallo-galay iyo qorshahii loo dhigay ay ka fashilantay , taasi oo Gudoomiyaha komishanku kaga jawaabay hadal aan bulshada qancin ,isagoo leh Hadallo dad waayey Qandaraaskii wacyigelintu ayaa meelahaa wax ka akhriyaaya.,,,!!!!

 Haddaba akhristow maxay kula tahay: Wacyigelin la,aan Diiwaangelintu miyey ku dhici doontaa????. Maxaa xalku yahay dadka abaaruhu ay baro-kiciyeen , ee ka talaabay xuduuda itoobiya  qorshaha loogu talo-galay diiwaangelintooda ?? Maxaa ka khaldan Xisbiyada Qaranka iyo guddida diiwaangelinta ama ciddii kale ay khusayso diiwaangelinta in laga hadlo ama la jawaabo cabashada dadweynaha?? Diiwaangelintu miyay fashilmaysaa , Sidii tii hore mise waa way guulaysanaysaa?? , Miyaa lagu degdegay oo ma waxay ahayd wax aan loo baahnayn. Ma la sameeyay diyaargarowkii loo baahnaa???. Muxuuse xalku noqon karaa Haddii ay fashilanto???,

Komishanka Doorashooyinka Somaliland miyaa durba saluug laga muujiyay shaqada gaabiska ah ee ka muuqata ?? Miyay sabab u noqon karaan dib u dhac ku timaada Doorashooyinka????

Miyaa loo baahanyahay in iska dareeraan oo ay iscasilaan ama ay bulshada iyo dadka wax garadka ah tusaan shaqo hufan oo ay Qaranka iyo waxa ay u xilsaaran yihiin ku qabanayaan.

Maxaynu ka baran-karnaa Diiwaangelintii codbixiyaasha ee hore : Bal dib uga noqdo go’aankiisa lagu laalay natiijadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha dalka ka dhacday????.

 Ugu danbeyn:-  waxaan ku guubaabinayaa Bulshada S/land inay si fiican uga qayb-gaataan diiwaangalinta codbixiyayaasha. siiba Hawsha iyo wakhti kooban ee loogu talo galay inay socoto, hawsha diiwaangelinta khalad badan oo aynu leenahay ayaa ku jira, isla-markaana dadku ay hal mar oo keliya is diiwaan-geliyeen si aanu server u khalkhalin.hawsha Serverka kala shaandhaynta dadka mar wax-ka badan iska diiwaan-geliyey waqti badan iyo dhibaato badan ayey qaranka u leedahay.

Waxaa haboon in diiwaan-galinta hawsheeda laysla eego isla markaana laga wada shaqeeyo oo komishan ahaan aanay kaligood waxba qaban Karin, haddii aanay axsaabtu iyo shacabku wax la qaban.

Xisbiyadu waa in ayna siyaasadeyn hawsha diiwaan-gelinta Codbixiyaasha, laakiin waxa aan leeyahay waa in laga shaqeeyaa in liis xalaal laydiin soo saaro,si doorashada loogu galo, isla-markaana Komishankana haddii aan lala shaqayn keligii waxba ma qaban karo,

 

W/Q: Adan Yusuf Elmi/UK