War deg deg ah Gaadhi Siday Ajanabi Ubadan itoobiyaan Oo ku Dhacay Tuuladda Dhubato Dhimashada Sadex Qof

Hargeysa (berberanews)- Gaadhi lagu siday tiro 41-u badan ka tirsan Qoomiyadda Oromada oo dalka laga saarayay uu ku dhacay duleedka bari ee magalada Hargaysa.
 
Dhimashadda sedexda qof ayaa waxaa u xaqiijiyay wariye Ka tirsan shabakadda wararka berberanews.com madaxa caafimaadka ee Degmada laas-geel maxamuud cabdi jaamac
Dr-maxamuud waxa uu hadalkiisa ku bilaabay dhimashada ayaa kala aheyd laba ka tirsan ciidanka bileyska halka ka kalena uu yahay muwaadin itoobiyaana
dadkan ayaa laga keenay sida wararku sheegayaan gobaladda bari lana doonayay in laga talaabiyo xadka somaliland iyo itoobiya.
shilka ayaa sababay dhaawacyo soo gaadhay dadkii gaadhiga saarnaa, waxana hadda la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka Guud ee Hargaysa tiro dhaawacyo ah oo ilaa 39-.
waxii warkaa ka soo kordhana waxaan idiinku soo gudbin doonaa shabakada berberanews.com
 
 
Berberanews.com