Sirdoonka Maraykanka oo shaaciyey Inqilaab ka dhan ahaa Madaxweynaha Somaliland oo fashilmay

Washington (berberanews)- Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) ayaa shaaca ka qaaday inay ka dambeeyeen inqilaab fashilmay oo Somaliland ka dhacay dabayaaqadii sannadkii hore waddan qaaradda Yurub ku yaal iyo shirkad sahamin shidaal, isla markaana maalgelintiisa ka dambeeyeen.
download
Sida lagu baahiyey barta net-ka ee Hay’adda Raadinta macluumaadka sirdoon (Strategic Intelligence Service) ee fadhigeedu yahay Maraykanka, oo daba-gasha macluumaadka sirdoon ee caalamka ayaa lagu sheegay in hay’adda CIA-da oo Maraykanka u qaabilsan diyaarinta macluumaadka Sirdoon ee caalamka xog-ogaal u ahayd inqilaabkii Somaliland ee fashilmay oo ka dhan ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo.
Xogahan oo SIS daabacday 24 November, 2015 ayaa lagu sheegay in CIA ku sheegtay dalka Ingiriiska iyo shirkadooda sahaminta shidaalka ee British Petroleum (BP) ka dambeeyeen inqilaabkii fashilmay ee ku waajahnaa hoggaamiyaha Somaliland. .
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay xogahaa inaanay jeclaysan inqilaabka Ingiriiska, isla-markaana xog-ogaal u ahayd in wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriisku oo kaashanaya hawlwadeeno ka socday Shirkadda sahaminta shidaalka BP oo si weyn u danaynaya keydadka shidaal iyo Gaas ee Somaliland maalgeliyeen inqilaabkii Hargeysa ee la sheegay inuu fashilmay.
Inkastoo xogahan sirdoon ee lagu daabacay barta SIS aanay faahfaahin ka bixin macnaha inqilaabka, ayaa dhinaca kale u muuqanaysa inay tilmaamayso iscasilaaddii Wasiirrada iyo Masuuliyiintii kale ee ka dareeray Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo 26, Oktoobar, 2015, kuna beegan bil ka dib markii xogahan la qoray.
Dhinaca kale, Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu faahfaahin dheeraad ah ka weydiiyo dublamaasiyiinta safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriisku ku leeyahiin caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, oo qaabilsan danaha iyo xidhiidhka waddamadooda u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland ayaanay noo suurtoobin inaan jawaab ka helo, ka dib markii aanu xidhiidh kala samaynay.
Sidoo kale, Wargeyska Himilo oo safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa wax uga weydiiyey 21 November, 2015 warar wargeys la yidhaahdo Indian Ocean Newsletter ugu qoray in dublamaasiyiin Ingiriis ah oo booqasho ku yimdi Hargeysa ka codsadeen Madaxweyne Siilanyo inuu soo celiyo wasiiraddii xilka iska casilay ayey gebi ahaanba beeniyeen jiritaanka warkaa.
Ms. Lizzie Lovett oo ka jawaabtay ayaa tidhi, “Warkaasi gebi ahaanba ma jiro, suurtagal-na maaha inaan Xukuumadda Somaliland u yeedhino sida ay u maareeyaan Golaha Wasiirrada. Waxaan ugu baaqnay in nabadda iyo xasiloonida la ilaaliyo dhammaan Somaliland, annagoo aan u eegin xukuumad iyo Xisbiyo.”
Xigasho_Himilo