“Waxaan Garan Laayahay Garxajis-nimadu Ma WADDANI Bay La Dhalatay” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Berbera news) Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo dalka ku soolaabtay ka dib safaro uu ugu maqanaa dalka dibadiisa, waxa uu eedo u jeediyay haanka siyaasadeed ee xisbiga WADDANI, waxaanu sidoo kale ka hadlay muranka ka taagan dhulka Tiyaatarka Hargeysa.
 
 
waraabe
“Inkasta ood moodid in diwaangalintii labada xisbi ay ka dhigen olole siyaasadeed waa labada xisbi ee dawladu ka koobnayd iyagoo hantidii umada isticmaalaya iyagoo ku tartamaya anaa ka Baabur badan iyo anaa kaa Baabur badan inay wixiiba ka dhigeen fawda iyo olole aan wakhtigiisa la gaadhin wasiiradii baa socda, xildhibaandii baa socda ,xisbiyadii baa socda waxasi wax aduunka ka shaqeeya maaha ninka wakiilka ahi haduu ololaynayo waa inuu wakiil nimada ka tagaa weeyi Wasiirku maaha inuu u ololeeyo nin musharaxa.” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .
 
 
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Arinta Tiyaatarka waxa la yidhaa maxuu Faysal uga hadli laayahay dad badan baa lahaa, dee Ucid waa instushan weeyi Gudoomiye xigeenkii baa hadlay Xisbigu wuu hadlay aniga hadl igama furnayn siyaasadii xisbiguna wax ku hadlay ragii iga wakiilka ahaa in wax kasta la qabileeyo maaha waxa qalada in qof muwaadina oo aan dambi gacanta kula yirin in la xidho maaha.” Ayii yidhi Faysal Cali Waraabe
 
 
Gudomiyaha xisbiga UCID waxa uu intaas ku daray “Waxa muddooyinkii u dambeeyaay soobadanaysay kalmadan Garxajis la yidhaa, waxaan ka soo jeeda beesha Garxajis la yidhaa 15 sano ayaan ahaa Guddoomiye xisbi kalmadaasi may jirin ,waxan garan laayahay garxajis nimadu ma Waddani bay la dhalatay ,markii aanu waddani jirin maanu Garxajis jirin waxan leeyahay hala kala saaro Waddani iyo Garxajis, Xisbi siyasiya weeyi ,Xisbi qaran weeyi waxkasta in la garxajiseeyo maaha waxkastana in la qabiileeyo looma baahna.” ayuu yidhi Guddomiyaha Xisbiga UCID
 
Berbera news. Hargeysa