Badhasab Ku Xigeenka Gobolka Saaxil Oo Xadhiga Ka Jaray Dhameystirka Qalabeynta Qolka Qaliinka Cusbitaalka Degmada Sheekh

Sheekh-(Berberanews)-Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil mudane Xaamud Xuseen Cabdilaahi iyo maayarka degmada Sheekh Ibraahim Cabdilahi Cabsiiye ayaa manta si wada jir ah xadhiga uga jaray Dhameystirka dhismaha iyo Qalabeynta Qolka Qaliinka ee cisbitaalka degmada Sheekh.

Xaflad si balaadhan loo soo agaasimay oo manta lagu qabtay cusbitalka degamada Sheekh ayaa waxa ka soo qayb galay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil mudane Xaamud Xuseen Cabdilaahi, Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Sheekh ahna Duqa Magaalada Ibraahim Cabdilahi Cabsiiye, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Saaxil Dr. Cabdiraxiim Cabdilahi Ducaale Cajab, Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Gudida Caafimaadka Degmada, Isuduwaha Degmada, Agaasimaha Cusbitaalka Sheikh, Madaxda Hay’ada HPA iyo Shaqaale weynaha Cusbitaalka Sheikh. .444 333

Isuduwaha caafimaadka ee Degmada Sheekh Ibrahim Aw Ahmed Abdilahi oo ugu horayn halkaasi ka hadlaya ayaa ka waramay baahida uu cisbitaalka degmada Sheekh u qabay qolka qaliinka ee manta xadhiga laga jaray.

Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Sheekh Ibraahim Cabdilahi Cabsiiye oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahad naqay xukuumaada madaxwayne Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay isagoo uga mahad celiyay inay xukuumada madaxwayne Axmed Siilaanyo fulisay balanqaadyadii ay u qaaday dadwaynaha ku dhaqan degmada Sheekh.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil mudane Xaamud Xuseen Cabdilaahi oo isna madashaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa ka waramay ahmiyada uu qolkan qaliinka ee lagu soo kordhiyay cisbitaalka degmada Sheekh uu u leeyahay dadwaynaha ku dhaqan degamada.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil waxa kale oo uu sheegay in qolkan qaliinka ee cusubi uu suurto galin doono in lagu sameeyo qaliinada culus iyo kuwa fudud ba iyagoo dadwaynaha ku dhaqan degmada Sheekh na kaga maarmi doonaan magaalooyinkii kale ee ay u safri jireen markay qaliinka u baahan yihiin.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadashay haweenay lagu magacaabo Virginia oo ka mid ah madaxda sare ee hayada HPA taas oo Miss Virginia balanqaaday in hayadoodu ka caawin doonto kalana shaqayn doonto baahiyaha cusbitaaalka degmada Sheekh..2222 1111

Ugu damabayn waxa halkaasi ka hadlay Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Saaxil Dr. Cabdiraxiim Cabdilahi Ducaale Cajab isagoo ka jeediyay warbixin dheer oo ku saabsan kaabayaasha caafimaadka degmada Sheekh iyo gobolkaba iyo waxayaabihii u qabsooomay guud ahaan caafimaadka gobolka Saaxil.

 Dr. Cabdiraxiim Cabdilahi Ducaale Cajab ayaa isagoo ka waramaya waxyaabaha ay ka qabteen cusbitaalka degmada Sheekh waxa uu sheegay waxyaabaha ay qabteen cusbitalka inay kamid yihiin inay:

  1. Xaliyeen khilaafkii Mushaharku u xanibnaa Lixda billood.
  2. ku guulaysteen Siinta Gunada 24 ka mida Shaqaalaha cusbitaalka oo markaas 42 ahaa.
  3. Ku guulaysteen Keenista Qalabka Cusbitaalka ee Qaybaha kala gedisan oo aad u balaadhnaa iyo waaxda degdega ah.
  4. Sameynta Farmasiga Cusbitaalka iyo Keenista Daawooyinka bilkastaba.
  5. Sameynta iyo Qalabeynta Shaybaadhka iyo Kaydka Dhiiga.
  6. Qalabeynta Tiyaatarka Sheikh iyo Keenista Dhakhaatiirta Qaliinka iyo Suuxiyaha.
  7. X. Ray Cusub oo ay keeneen
  8. Samaynta Jaranjaro sariirta Bukaha lagu wadaa si sahlan u tegi karto Dabaqa Sare (Ram).
  9. Kor u qaadeen Shaqaalaha cusbitaalka oo maanta maraya 63 Shaqaale oo ku filan xiliyada Shaqada kana kooban Qaybaha kala gedisan ee Shaqaalaha Caafimaadka.
  10. U Sameynta Xog Ururiyaha Adeegyada Caafimaad ee xarunta oo bilkasta soo dirta Xogta Cusbitaalka oo dhan
  11. In Wasiirka Wasaarada Caafimaadku Dr. Sulaiman Ciise Axmed (Xaglatoosiye) uu u dalacsiiyay cusbitaalka mid ah heer degmo isagoo markii cusbitaalka lagu furay inuu ahaado xarun caafimaad oo ah gudbinta isla markaana ah heerka sadexaad ee Nidaamka Caafimaadka Gobolka Saaxil.

Ugu dambayn Dr. Cajab waxa uu hadalkiisa ku sheegay in wax qabadkaa baahsan ee laga fuliyay cusbitaalka degmada Sheekh ay amaanteeda leeyiiin wasiirka wasaarada caafimaadka Dr. Saleeban Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo madaxwaynaha qaranka mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

Isuduwe Cajab waxa uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay mahadnaq balaadhan oo uu u jeediyay Madaxda heer Degmo iyo heer Gobol, Gudida Caafimaadka Degmada, Maamulka Caafimaadka iyo Shaqaalaha Cusbitaalka Degmada Sheikh.

Warkaasi oo faahfaahsana ka daawo Hoos