Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ku Magacaabay Guddida Qaban-qaabada Sannad Guurada 25-aad Ee 18 May

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3850/022016 ku Magacaabay guddi qaran oo u xilsaaran qabanqaabada Xuska Sannad Guurada 25aad ee ka soo wareegtay Maalinta Qarannimada Somaliland.
 
12734153_910437865736734_8696940372260497268_n
Direetada Madaxweynuhu ku magacaabay Guddida heer qaran waxay u dhignayd sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas oo loo baahan-yahay in sannadkan loo xuso si weyn, isla markaana Bulshada Somaliland dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan.
Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.
Xubnaha Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xubin
  4. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xubin
  5. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Xubin
  6. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Xubin
  7. Maayarka Caasimadda Hargeysa Xubin
  8. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Xubin
  9. Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada) Xoghaye
  10. Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada) Xubin
  11. Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF) Xubin
  12. Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF) Xubin
  13. Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD) Xubin
  14. Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO) Xubin

 
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
 
 
Berbera news. Hargeysa