Hargeysa (Berbera news) Maxkamadda rafcaanka gobalka Maroodi-jeex ayaa xayirtay wershada Hargaha iyo saamaha ee ku taala degmada Dacar-budhuq, ka dib markii ay cabasho ka muujiyeen shacabka deegaanka oo sheegay inay ku waxyeeloobeen hadhaaga suntan wershadaas. Wershadaas ayaa waxa iska leh niman u dhashay dalka Shiinaha.