“Waxaan Reer Somaliland U Sheegayaa Dawladdan Xiligeedii Wuu Dhammaaday, Ee Yaanay Madaxa Isku Kiin Gelin” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo doonayso markii ay dhamaysay hantidii umadda inay dadkana xaraashto oo ay xamar ka iibiso. Isla markaana waxa uu khalad ku tilmaamay in kalluun laga keenno Xamar oo la camaltiro kalluumaysateen.

maxresdefault

“Waxaan reer Somaliland u sheegaya dawladdan xilligeedii wuu dhammaaday, way burburtay way na galaafanaysa. Waxaan dadka u sheegaya oo aan leeyay reer Somaliland ee yaanay madaxa isku kiin galin ee aan laydin xaraashin idiinka hadhayee, xamar baa la idiinka xaraashayaa oo idiinka laydin iibinaya, dad dhammaa oo badi dhammaatay, oo hanti dhammaatay, waxaan leeyay ha la iska jiro oo nabadgalyadda ha la ilaaliyo.”Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble

Sidoo kale, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay in cid soo qaadatay qandaraaska Xamar oo ay doonayso in kalluumaysateenna camaltiraan“Arrintaasi waa mustaxiil , wax dhacayanna maaha, golahanni dhaqsuu u furmaya, wasiirkuna wuu gardaranyahay waanna qaldan yahay cid baanna sidaa ku tidhi oo qandaraaska qaadatay, dalkan waa laga shaqaysata ee looma shaqeeyo , cid baa qandaraaska Xamar soo qaadatay aan dan ka lahayn kalluumaysatadeenna, aan dan ka lahayn badeenna, aan dan ka lahayn khayraadkeenna, aan dan ka lahayn shacabkan masaakiinta ah ee silcaya.”Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble

Berbera news. Hargeysa