Muran ka taagan doorashada Madaxtinnimada FIFA

Ninka rajeynaya inuu noqdo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta adduunka, Fifa, Gianni Infantino ayaa sheegay in haddii aan hadda wax laga qaban dhibaatada Xidhiidhkaas haysata ay u dhammaan doonto ururkaas caalamiga ah.

Infantino waxaa uu rajeynayaa inuu beddelo Sepp Blatter doorashada dhici doonta maalinta Jimcaha ee soo socota kaddib markii ogayga 79-jirka ah ee reer ear-old Switzerland muddo siddeed sano ah ciyaaraha laga mamnuucay eedo musuqmaasuq ku saabsan awgeed.

Ninka isaguna jagadaas u sharraxan ee Amiir Ali bin al-Hussein ayaa codsi rasmi ah u gudbiyay FIFA in doorashada la joojiyo. Waxaa uu sheegay inuusan ku qanacsanayn qaabka codbixintu u dhacayso.151027141255_gianni_infantino_640x360_reuters_nocredit

Laakiin Infantino waxaa uu sheegayaa inay hubaal tahay in doorashada la qaban doono sidii qorshuhu uu ahaa Jimcaha 26-ka bishan.

Isagoo BBC Sport la hadlayay, waxaa uu sheegay in sumcadda Fifa ay gaadhay heerkii ugu hooseeyay abidkeed.