Moscow: Haweeneey madaxa ka goysay ilmo yar

Moscow(Bbc)Boliiska Moscow ayaa xidhay haweeneey kadib markii la arkay iyadoo wada madax ilmo laga gooyay.

Video ayaa laga arkay haweenayda oo maraysa saldhig tareenka laga raaco.
Boliiska ayaa qabtay, waxaana hada la baadhayaa caafimaadka maskaxdeeda. Haweenayda ayaa ka timid Asiyada Dhexe waxayna ahayd qofkii cunuga hayay.
Waxaa looga shakisan yahay inay dishay ilmaha, intaanay dab qabadsiin guriga cida dhashay ilmaha oo ku yaal waqooyi galbeed Moscow.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in ilmo afar jir ah oo madaxa laga gooyay laga helay guriga.
160229131423__88498310_russiamoscow4640216