“Waxba Kama Jiraan In Jid Gooyo La Igu Sameeyey, Shacabka Ayaa Been Loo Sheegayaa Haddana Ceerigaabo Ayaan Joogaa” Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (Dhaymoole) Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo la baahiyay oo ah inay jiraan jid gooyo loo galay oo lagu weeraray isagoo jooga deegaano hoos yimaada gobolka sanaag.

Axmed Yusuuf Yaasiin inuu hadda ku sugan yahay magaalada Ceerigaabo, waxa uu yidhi “Waxba kama jiraan weeye wararkaa sheegaya in jid gooyo lay sameeyey oo laygu weeraray deegaano hoos yimaada gobolka Sanaag, shacabka Somaliland ayaa been loo sheegayaa. Aniguna hada waxaan joogaa Ceerigaabo waanan joogayaa waayo dadku waa dadkaygii dalkuna waa dalkaygii.” yuu yidhi Mudane Axmed Yusuf Yaasiin oo u waramay Hangoolnews

Sido kalena Madaxwayne ku xigeenkii hore ee somaliland Axmed Waxa uu shacabka somaliland ugu baaqay inay markaste ilaashadaan nabadgaliyadooda iyo xasiloonida dalkooda Waxaana uu yidhi.

“Dadkayga waxaan ugu baaqayaa inay meelkaste oo ay joogaan ilaashadaan nabadgaliyadooda iyo xasiloonidooda waayo nabad wax dhaantaa ma jirto,markaa waxaan leeyahay somaliland waxa lagu yaaqaanay nabad ee ilaashada oo cid kaste oo khal khal kuwada dalka halaga hor yimaado”Sidaas ayu yidhi Mudane Axmed Yusuf Yaasin.

Berbera news. Hargeya