War Deg Dega: Mudaharaad rabshado wata oo caawa saqdii dhexe gilgilay Berbera

Berbera(Berberatoday.com)-waxa hada kasocda magaalada Berbera mudaharaad ay dhigayaan shacabka reer Berbera mudaraadkan oo bilaabmay xili aan hore looga baran inuu mudahaar dhaco ayay saacadu ku beegan tahay 12:30 Am habeenimo waxaanay dadka mudaharaadayaa taayiro ku gubeen jidka wadnaha ah ee magaalada soo gala iyada oo mudaharaadku ka bilaamay Suuqa garanwaaga loo yaqaan, waxaanuu ku baahay ilaa Hutel shida yare,

Mudaharaadkan ayaa lala xidhiidhinayaan soo qabashada Dablaydii lagu eedeynaayay inay Toogasho kudileen taliyihii qeybta Booliska Berbera Alle ha Unaxariiste Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamud(Caseyr)

waxaanay caawa ciidamada amaanku soo qabteen 11 kamida dablaydaas oo la sheegay ilaa maalintii shalay inay ku dagaalamayeen buuralayda deegaanka Biyoolay iyo tuulo dhibiijo ayaa waxa uu Wasiirka arimaha Guduhu caawa fiidkii warbaahinta usheegay in 11ka dablayda ah ee lasoo qabtay midi dhawaac yahay balse warar madax banaan oo aanu helay ayaa sheegaya in dhimasho jirto dhinaca dablayda buuraha kujirtay iyo ciidamada dawladaba balse aanu wasiirku shaacin sababo la xidhiidha inuu ka bilaabmo Berbera kacdoon dadweyne oo dhimashadaas lagaga soo horjeedo.



Ninka dhaawaca ah ee wasiirku sheegay oo lagu sheegay magaciisa Maxamed Jaamac Muuse(Madax yar) ayaan ilaa hada dhaawaciisa cisbataalka la Gaynin waxaanu baabuurkii amblaceka ahaa ee siday la taagan yahay Saldhiga dhexe ee Berbera hortiisa oo boqolaal Ciidamo ahi ilaalinayaan iyada oo lagala baqay in Cisbataalka la Geeyo kadibna ay soo weeraraan shacab gadoodsani.

Xigasho Berberatoday.com