“Ma Jiro Madaxwayne Diyaar U Ah Inuu Dadkiisa U Hiiliyo Oo Kala Diro Golahan Faasidka Ah Ee Aan Ka Xishoonayn Shacbigii Doortay” Cali-guray

Hargeysa (Berera news) Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa sheegay in golaha wakiiladdu laaleen xeerkii lagu soo dooran lahaa kuwii iyaga bedeli lahaa, isla markaanna ay gabood ka dhiganayeen muddo kordhin kale.

Cali Guray waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin Madaxweyne u hiilaya dadkiisa oo kala dira Golahan.

Cali guray waxa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook-ga, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Sheekadan anigu hore ayaan uga hadlay. Waxa ugu dambeeyay maqaalkan toban sanadood markii ay dhamaysteen ee laba sanno ku dhawaad kale u bilaabmay ee Kalfadhigoodii ay gebi ahaanba ka saareen Xeerkii lagu soo dooran lahaa kuwii iyaga bedelayay ajandihii kalfadhigii golaha. Taas oo markaaba la iska arkayay inay ahayd xeelad kale oo gabood looga dhiganayay muddo kordhin kale hadii ay u marayso.

Tan kale, waxay ku xisaabtamayaan in aanu jirin Madaxwayne diyaar u ah inuu dadkiisa u hiiliya oo gebi ahaanba kala dira golahan faasidka ah ee aan shacbigii doortay ka xishoonayn.”

Berbera news. Hargeysa