Muuse Biixi Oo Ololihii Komishanka Doorashooyinka Uga Digay Xisbiyada Ka Bilaabay Berbera + SAWIRRO

Berbera  (Berebra news) Iyadoo Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ay xisbiyada siyaasadda Somaliland uga digeen in aanay olola siyaasadeed ugaga faa’idaysan waacyigelinta Diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland oo todobaadkan soo socda ka bilaabmaysa gobolka Saaxil, ayaa wefti uu hoggaaminayo musharraxa Madaxweynaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE ahna Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo manta ku tagay Berbera.

 

Weftigan uu Muuse Biixi hoggaaminayo ee Berbera u safray maanta waxa soo dhaweyn ku qaabilay madaxda gobolka iyo degmada Berbera oo ay wehelinayaan xubnaha Xukuumadda ugu jira gobolka Saaxil, waxaana socdaalkiisan laga dheehanayay qaab u eeg olole.

 

Qoraalkii Komishanka doorashooyinku ay ugu digeen xisbiyada inay olole uga faa’idaystaan Diiwaangelinta codbixiyayaasha ayaa qayb ka mid aha oo si gaar ah uga hadlaysa digiinta loo diray xisbiyadu ay u dhignayd sidan :- “Waxa looga digayaa Xisbiyada Qaranka in aan la oggolayn in lagu arko magaalooyinka boodhadh iyo Sawirro lagu xardhay Murrashaxiin sheeganaya in ay u tartamayaan Baarlamaanka ka hor muddada uu sharcigu u fasixi doono oo go’aankiisa soo saari doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.”

 

 

 

Berbera news. Hargeysa