“Waxa Laga Yaabaa In Lagu Kala Wanaagsan Yahay (Xukunka) Ee Aynu Xalaal Ku Tartanno” Marwo Aamina-Weris

Hargeysa ( Berbera news) Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Weris), ayaa ku talisay in ay doorashooyinka soo socdaa noqdaan kuwo aan la is jiid-jiidan, hase yeeshee six or ah oo walaaltinimo ah loogu kala baxo.

IMG_0229

Marwo Aamina Waris waxa kale oo ay u soo jeedisay Hoggaamiyeyaasha asxaabta qaranka iyo goleyaasha Baarlamaanka inay tix-geliyaan kootadii madaxweynuhu u soo gudbiyay ee kuraasida gaarka ah loogu xidhayay haweenka doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda.

“Haweenka Somaliland hamballyo iyo duco ayaan u diraya hadday gobollada joogaan, haddii ay caasimada joogaan , haddii ay miyiga joogaan, iyo haddii ay qurbaha joogaanba, waxaanan Illaahay uga baryayaa in bishan bisheeda uu innagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.” ayay tidhi Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde oo khudbad ka jeedisay munaasibaa lagu xusay maalinat haweenka ee 8 March oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Marwo Aamina Waris waxay ku baaqday in tix-gelin buuxda la siiyo kootada haweenka ee doorashooyinka, waxaanay tidhi “Xisbiyada mucaaridka ah iyo kuwa muxaafidka ahba, waxaan u soo jeedinaya in ay isku kaaya garab taagan halgankan aanu ugu jiro, dumarku in ay ka muuqdaan, kaalinta ay maanta kaga jiraan siyaasada dalkan Jamhuuriyada Somaliland waxaana weeyaan Kootada uu madaxweynuhu laba jeer baarlamaanka ku celiyay, waxaaanu doonaynaa in aan mar saddexaad lagu celin, xildhibaanadow gudoomiyayaasha baarlamaankoow, gudoomiyayaasha xisbiyadoow, Wasiirradow, waxgaradkow arrintaa nala garab gala.”

Marwadu waxa kale oo ay soo jeedisay in tartanka doorashooyinku noqdo mid aan la is jiid-jiidan, waxaanay tidhi “Tartan xalaala inaynu tartano marka ay doorashadu bilaabanto, innaga oo aan is jiid jiidanayn , in ay noqoto midnimo, walaaltinimo, innaga oo aan is dileyn innaga oo waxa kaliya ee aynu isku heynaa ay tahay, annagaa Somaliland si fiican u xukumayna , iyo annagaa u xukumeynaa, kuligeenba waynu wada xukumi karnaa waxaana laga yaaba uun in lagu kala wanaagsan yahay maantana haddii aynaan is wada diwaan-gelin oo aynaan kaadhadhkeenna qaadan diwaangalintu waa ay innaga xumaanaysaa.”

Berbera news. Hargeysa