Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Booqday, Ugana Soo Dul Duceeyey Xabaashii Madaxweynahii Hore Ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal + SAWIRRO

Berbera (Berbera news) Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta booqday ugana soo dul duceeyey xabaasha Alle ha u naxariistee madaxweynahii labaad ee Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxame X.Ibraahim Cigaal oo ku xabaashiisu ku taallo magaalada Berbera.

 1

 

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ay wehelinaayeen xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta iyo garabbada dhallinyarta, ayaa ka dib markii ay soo galeen xabaashaasi, waxaa ay faataxo u mareen una duceeyeen marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyaga oo Alle uga baryey in uu godka u nuuriyo sida oo kalena u ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa,

 2

 

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cirro oo ducadii ka dib halkaas warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in uu Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu ahaa shakhsi ku suntan taariikhda Somaliland isla mar ahaantaana baal dahable ka soo qaatay hirgelinta nidaamka dawladnimo ee ay Somaliland illaa hadda ku nabad iyo caano maashay.

3

“Waxa aanu soo booqanay xabaasha madaxweynahii labaad ee Somaliland, oo taariikhweyn ku lahaa Somaliland, wakhtiguu halganka ee isticmaarka Ingiriiska la kicinaayey, Soomaaliya oo uu raysal wasaare ka noqday iyo weliba Somaliland oo uu iyadana madaxweyne uu ka noqday, waxa kale oo uu ku suntanaa in dhismaha Somaliland ee dawladnimo uu tiirarka u taagay, waxa uu ahaa nin taariikhweyn ku lahaa Soomaali, Somaliland iyo Afrikaba, waxa aan Illaahay uga baryeynaa Marxuumka oo isna aabahii ku aasan yahay Xaaji Ibraahim Cigaal, in iyadana uu Illaahay naxariistiisii jannatul Fardowsa ka waraabiyo, demi dhaafna uu siiyo, waxa innagu waajib ah uun in aynu u duceyno, innagana uu Illaahay innooga daba naxariisto, Illaahay dembigiisa ha dhaafo…..Illaahay dembigii waalidkiisa ha dhaafo….Illaahay innagana ha ajarkeeda ha inna siiyo, hana innoo dembi dhaafo,,Amiin..Amiin..”.Ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

4

86

 

Halkan ka daawo.

Berbera news. Hargeysa