Xildhibaan Naasir X. Cali Shirre Oo Ka Hadlay Bilowga Diiwaangelinta Gobalka Saaxil

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, oo ka tirsan Xidhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Diiwaangelinta la filayo inay ka bilaabmato Gobolka Saaxil, Gabiley iyo Hawd, waxaanu sheegay in ilaa hadda qaban-qaabadii iyo u diyaar-garawgii uu si fiican u socda, waxaanu ku baaqay inay si fiican isku diiwaangeliyaan dadka uu xeerka iyo sharcigu u ogolaanayo.

nasir-haji-618x301

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale sheegay inaan ilaa hadda la gaadhin ololihii, balse marka uu Komishanku fasaxo wakhtiga ololaha in Xisbi walba awoodiisa iyo cududiisa uu soo bandhigi doono, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Diiwaangelinta cod bixiyaha ee Somaliland, si fiican ayey uga soo dhammaatay Gobolada Togdheer iyo Awdal, waxayna ka bilaamaysa Gobolka Saaxil, Gobalka Hawd iyo Gobalka Gabiley, waxaan rajaynayaa inay si fiican oo nabadgaliyo leh uga soo dhammaato, dadkuna si fiican isku diiwaangeliyaan, waxa jiray dad badan oo Gobolka Togdheer Diiwaangelintu dhaaftay waxaana iyaga ku boorinayaa inay iska Diiwaangeliyaan Gobolka Saaxil, maxa yeelay waa Gobolka ugu dhow, ta kale Diiwaangelintani waa mid casriya oo Wadamada Afrika ku cusub, waxa lagu tijaabiyey Wadanka Najeeriya, waanu ku fashilmay, balse waxaan leeyahay yeynaan ku fashilmin, inta badan waxa Dadka Somaliland lagu qiyaasaaya saddex milyan iyo badh markaas haddii ugu yaraan hal milyani is diiwaangeliso, waa sharaf, waxaana anigu jecel ahay in hal miyan iyo wax ka badanba is diwaangeliyaan, maxaa yeelay Calaamkuna indho gaar ah ayuu inagu hayaa, markaas inaynu is muujiyo ayaa loo baahan yahay, Bulshada ku dhaqan Gobolka Saaxilna waxa aan leeyahay is muujiya oo fursad ka faa’iidaysta, hana dayicina, hadda anigu Berbera ayaan jooga, dhab ahaana xaalada nabadgaliyana aad ayey u fiican tahay”.

Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa mar uu ka hadlaayey loolanka Xisbiyada ayaa yidhi “Ilaa hadda lama gaadhin Ololihii, oo Olihii wali muu bilaabmin ee dhoola tuska iyo cududa xisbiyada waxa uu imanayaa marka uu komishanku fasaxo ololaha, balse hadda waxa muhiim ah in Xisbiyadu ka qayb qaataan sidii ay Dadka ugu wacyigelin la haayeen qaadashada kaadhka diiwaangelinta.”

Berbera news.