“Cali Khaliif Waa Dambiile Gacan Ku Dhiigle Ah Oo Maxkamad Caalamiya Ayaanu La Tiigsanaynaa” Wasiir Xaglo-toosiye

Buuhoodle (Berbera news) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglotoosiye) iyo maamulka degmada Buuhoodle, ayaa ka hadlay xaaladda amniga deegaankaasi. Isla markaana waxay farriino adag u direen Cali Khaliif Galaydh iyo kooxda uu hoggaamiyo.

Xaglo-Tooosiye

Ugu horreyn Wasiir Xaglotoosiye oo halkaasi ka Hadley ayaa waxaa uu yidhi “Somaliland waxaa ka go’an Buuhoodle iyo deegaanada ku wareegsanba nabadgelyo iyo horumar inay ka dhacdo,Somaliland taas dedaalbay ugu gashay imikana ugu jirtaa in nabadgelyada deegaamada la adkeeyo, in aanay colaad danbe halkan ka soo cusboonaan, in horumarka deegaanka la xoojiyo,in dadka walaalaha ah ee deegaanka ku dhaqan la mideeyo kalsoonidooda,is-weheshigooda,is-dhexmarkooda iyo wada daaqaadoona la adkeeyo, ayaa ka go’an,madaxweynuhuna amar buu bixiyey in laga shaqeeyo,halkanna aanu hadda u joognaa in laga shaqeeyo”Ayuu yidhi Wasiir Xaglotoosiye.

Wasiir Xaglotoosiye ayaa sheegay in uu Cali Khaliif uu yahay nin danbiile ah “Ninka la yidhaahdo Cali Khaliif midbaan odhanayaa waxaan u arkaa nin dambiile ah oo maati-doox sameeyey,arrin maati-doox ah,inta uu ku baaqay in uu maati-doox dhigayo oo la hayo codkiisii iyo hadalkiisii uu ku baaqey maati-doox,isla mar ahaantaana uu sameeyey maati-doox,laayey dad masaakiin ah oo xoolo dhaqato ah ,Waa nin dambiile ah oo gacan-ku-dhiigle ah weeye,maxkamad caalamiya iyo mid Somaliland ah waan la tiigsaneynaa ninkaa,arrimahaana lagaga hadhimaayo, Immikana waxaa uu ku baaqay dagaal horle oo kale” Ayuu yidhi Wasiir Xaglotoosiye.
Dhinaca kale wasiir Xaglotoosiye ayaa ku sifeeyey Cali Khaliif nin fuley ah”Cali Khaliif dee Waa la yaqaanaa, oo wiil Illaahay abuurtay oo ka fulaysani ma jiro, Ta uu u yeedhanayo hadday dhacdana fadal caddaantiisa waa lagaranayaa,markaa anigu horta garanba maayo waxa uu u yeedhanayo,waxaa uu ugu yeedhanayaa waxa weeye in dhibaato halkan ka dhacdo,dad ku le’daan,dad ku baaba’aan isna sidiisii uu gaadhi ku baxsado,markaa Caliyoow dagaal waxba ka tarimeysidee dadka dhibka kadaa,oo aqoonbaad leedahee dadka wax u faa’iideeyoo dadkan nabaddiisa iyo horumarkiisa ka shaqee”Ayuu yidhi Wasiir Xaglotoosiye.
Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa ugu baaqey reer Buuhoodle inay ilaashadaan nabaddooda”Reer Buuhoole-na waxaan leeyahay nabad gelyadu waa qaali,colaadi waxay tahayna waynu soo aragney,nabadgelyadiina yaan la idinka qasinee ilaashada,oo waliba nin aan colaadda waxba idiinka tareyn yuu nabad gelyadiina galaafanin”

Waxaana uu sii raaciyey”Soomaalidu waxay tidhaahdaa nimaan kuu furi doonin,yaanu kuu rarin,waar Cali Khaliif iyo shakhsiyaadka la mid ka ah ee beenta ku nool ee doonaya inay nabaddiina qasaan ka digtoonaada,Annaga waxaa naga go’an haddaanu nahay Somaliland nabad iyo horumar, ogolaanmeyno maati-doox in halkan laga sameeyo, colaad in halkan laga abuuro waanu ku dedaaleynaa in aanu xal kasta oo aanu taa ku baajineyno oo hab nabadeeda sameyno”

Wasiir Xaglotoosiye ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Somaliland inay ka hortegeyso cidka kasta oo qas kawadda gobolada Bariga Somaliiland”Haddiise ay nagu kellifto in aanu difaacno nabadda deegaanka,in aanu ladagaalanno kuwa colaadda hurinaya waa wax noo furan,balse waxaa naga go’a nabadgelyo in aanu ku dabaqno dhib kasta iyo cidkasta isku day inay qasto colaadda”Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye.

Berbera news. Hargeysa