Xisbiga WADDANI Oo Cambaareeyay Xadhiga Masuul Ka Tirsan Xisbiga Oo Berbera Lagu Xidhay

Hargeysa (Berbera news) Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay inay xisbi ahaan ay cambaaraynayaan xadhiga Saaado Jaamac (Saado Dheer) oo ay ciidamada amaanka magaalada Berbera xisbiga u taxaabeen, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay xoriyadeeda u soo celiso.

“Waxa xalay loogu dhacay guriga oo la galalafay sidii xukuumaddii Milateriga ahayd samayn jirtay oo loo diray ciidanka RRU-da, Mawro Saado Jaamac Aadan, Marwo Saado waa muwaadinad wax danbi ah oo ay faraha kula jirtay oo naloo soo sheegay ma jirto, gurigeedii ayay huruday sidii caadiga ahayd, waxaan dareensanay kaliya waxa weeye ee saado loo daba socdaa inay tahay maxaad xisbiga Waddani ugu biirtay, dalkani uma baahna in lays cabudhiyo dadkeenan cabudhin, laguma hayn karayo.” ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI

Cabdirashiid Xasan Mataan waa uu intaas ku daray, “Ciidamada RRU-du waxay ka tirsan yihiin ciidamada amaanka ee Booliska, Boliskana shacabka ayaa la shaqeeya, shacabka iyo booliskana maaha in lays colaysiiyo, waxaan taliska ciidanka booliska ku wargalin lahayn shacabka iyo xukumadda waad u dhaxaysaan hadii qof danbi gallo sifooyinkii sharciga loo marayay haloo maro. Waxa wax lala yaabo ah in saq dhexe loo dhaco Marwo Saado oo waliba haweena, waa wax ka baxsan diinteena islaamka, waana wax ka baxsan nidaamka dawladnimo. Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda in si degdeg ah xoriyadeedii loogu soo celiyo marwo Saado oo hadii danbi lagu haystana maxkamada lasoo hortaaago.” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataaan.

Halkan ka daawo.

Berbera news. Hargeysa