Magacyada Murashaxiinta Doorashadda Madaxtinimada Jabuuti Oo La Shaaciyay

Jabtuuti (Berbera news) Dawladda Djibouti, ayaa xalay ku dhawaaqday musharaxiinta u tartami doona xilka madaxtinimo ee Dalka Jabuuti.

 
 

Dawlada Jabuuti, ayaa soo bandhigtay ilaa Lix Musharax oo u taagan Doorashada, kuwaasi oo si rasmi ah isaga diiwaangalshay gudiyada uu khuseeyo Doorashada.

Lixda Musharax ayay Dowladu aqbashay codsigooda ku aadan Musharaxnimada, kadib markii ay buuxiyeen shuruudaha.

Lixdan murashax ayaa waxaa ansixiyay golaha dastuurka ee dalka Jabuuti waxa ayna kala yihiin:-

1-Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

2-Jaamac Cabdiraxmaan Jaamac.

3-Xasan Idiris Axmed.

4-Maxamed Daa’uud Shaxim.

5-Maxamed Muuse Cali.

6-Cumar Cilmi Kheyre.

Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa sheegay in musharaxiinta la ansixiyey, islamarkaana ay noqon doonaan kuwa kaliya ee u tartamaaya xilkaasi.

Berbera news. Hargeysa