Puntland Oo Ka Hadashay Qabsashada Al-Shabaab Ee Deegaanka Garacad, Eedayna U Jeedisay Dawladda Somalia

Garoowe (Berbera news) Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, kadib shir deg deg ah oo uu shirguddoominayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin X. Cabdilaahi Cumar Camay, ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira deegaanada xeebaha Puntland, halkaasoo saacadihii la soo dhaafay ay gaadheen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

“Arrimaha ka dhacaya Puntland 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa laga hadlay, waa ogtihiin Puntland waxay muddo dheer dagaal kula jirtay Argagixisada nooc kasta ha ahaadaane iyo cid kasta oo isku dayda oo wax u dhimaysa jiritaanka Puntland.” ayuu Wasiirka Amniga Puntland ku bilaabay hadalkiisa.

 

Wasiir Qarjab waxa kale oo uu sheegay in weerar lagaga soo qaaday Koofurta Soomaaliya oo ay kaga soo duuleen Al-Shabaab, waxaanu yidhi “Dadka nagu soo duulay waxay soo mareen Hobyo, Xarardheere illaa wadada dheer ee Badda iyo Bariga, abaabulkaas dowladda Soomaaliya kama madax banaana, gacan ayay ku leedahay soo duulitaanka Puntland.” ayuu yidhi Wasiir Qarjab

Wasiirka amniga Puntland Waxa uu sheegay in arrintan ay la xidhiidho diidmadii Puntland ee nidaamka 4.5, isla markaana la doonayo in caqabad la geliyo.

 

Wasiirka Amniga Puntland ayaa ugu baaqay shacabka deegaanada Puntland inay u diyaar garoobaan sidii ay u difaaci lahaayeen deegaanadooda, isagoo xusay in Madaxda Puntland ay hoggaamin doonaan.

Halkan ka dhagayso hadalka Wasiirka Amniga Puntland.


 
 
 

Berbera news.