Xukuumadda Oo Markii U Horaysay Ka Hadashay Dagaalkii Dhex-maray Ciidamada Badda Ee Somaliland Iyo Jabuuti

Hargeysa (Berbera news) Wasiir ku xigeenka amniga ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta kula hadlay xafiikiisa, ayaa hadlay dagaal shalay Saylac ku dhex-maray Ciidamada Badda ee Somaliland iyo Jabuuti.

  xukuumadda-oo-markii-u-horaysay-300x200

 

‘’Waxaan marka hore u tacsiyadaynayaa qoyskii, qaraabadi iyo waliba asxaabtii uu ka baxay sarkaal ka tirsanaa ciidamada badda oo ku dhintay dagaalkaas waxaan leeyahay alla Samir iyo imaan haynaga siiyo, runtii dhacdo aan wanaagsanayn ayay ahayd laakin waa arin ka dhex dhacday laba dal oo walaalo ah, wasiirka arimaha gudaha iyo saraakiisha ciidamada somaliland way tageen,waana arin baadhisteeda iyo siday wax u dhaceen lagu maqan yahay weeye,waana hawl ay labada dawladoo gacanta ku hayaan si wanaagsan ayayna u dhamaan doontaa.” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka amniga Somaliland.

Maxamed Muuse Diiriye waxa uu intaas ku daray “Waxaa ku dhintay hal askari oo ciidamada badda ka tirsan mid kalena waa dhaawac, dhanka ciidamada jabuutina waxba masoo gaadhin waxaana rajaynaynaa inay wax khayr leh kasoo baxo.” ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

Halkan ka daawo.

Berbera news. Hargeysa