Warbixin Ka Badheedhay Qaddiyada Somaliland Oo Xukuumadda Geelle Ku Marin-habaabisay Dagaalkii Ay Ciidankoodu Ku Soo Qaadeen Marines-ka Xeebaha Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda wadanka Jabbuuti ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka badheedhay weerarkii ay ciidankiisa baddu isniintii toddobaadkan ku soo qaadeen ciidammada Ilaallada xeebaha somaliland ee heeganka kaga jiray biyaha Somaliland gaar ahaana kuwa gobolka Selel, weerarkaas oo dawladda Djibouti ku inkirtay jiritaanka iyo dawladnimada Somaliland iyada oo weerarkaasi ku tilmaamtay in uu ahaa mid ay kaga hor tagayeen dablay malleeshiyo ah. Sida laga baahiyay habeen hore telefishanka afka xukuumadda Djibouti ku hadla ee RTD oo habeenkii xalay ahaa laga baahiyey war ku saabsan weerarkaasi ciidankoodu soo qaaday iyo weliba dagaalkii dhex maray labada ciidan ee xeebaha Somaliland Iyo Djibouti, dagaalkaasi oo uu dhinaca Somaliland kaga dhintay hal askari.

Akhri Qaabka ay warbixinta Telefishanku u dhignayd sidan:-

Baahinta warkii habeennimo ee habeen hore Arbacadii ka baxay telefishanka Jabbuuti oo ay daadihinayeen laba weriye ayaa qoddobkiisa u dembeeyay warkaas oo wiilka weriyaha ahi ku soo khatimay baahintii warkaasi waxaa uu ku soo qaatay dagaalka labada ciidan dhexmaray waxaanu ku bilaabay:

“Iyadoo ay la xidhiidho hawlaha sugida ammaanka xeebaha dalkeena ee joogtada ah ayaa ciidanka ilaallada xeebaha ee dalkeennu waxa ay saaka cadceed soo bixii la kulmay markab laga leeyahay dalka Masar oo lagu magacaabo Jahinda Jabir, kaasi oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha dalkeenna, markabkaasi oo ah nooca loo yaqaanno Jarraafka ee u gaarka ah Kalluumaysiga.” Sidaa ayuu weriyuhu gogol dhig uga dhigay warka uu akhriyey ee dawladdiisu ku marin habaabisay xaqiiqadda dhacdada dagaalkaasi. Warka wuu sii waday waxaa uu intaa ka dib sheegay ciidammada Djibouti oo ku sugnaa jasiirad ku dhaw magaallada Obokh iyo sida wax u dhaceen “Markabkaasi [Masar] waxaa saarnaa tobaneeyo qof oo ku hubaysnaa qoryo kala duwan, waxaana ciidamada ilaallada xeebaha Jabuuti markii ay ku dhaqaaqeen markabkaasi ay kala kulmeen amar diiddo iyadoo isla markaana ay ka hor yimaadeen weerar hoose ay nimanka markabkaasi saarnaa ay ku qaadaan ciidanka Jabuuti. Markabkaasi ayaa weerarkaasi ka dib waxaa uu u cararay dhinaca xeebaha dalka soomalaiya” ayaa lagu soo gebogabeeyey warka RTD laga baahiyey. Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dawladda Somaliland sheegtay in ay wada hadal ka gashay sidii loo baadhi lahaa sababtii dagaalkaasi dhalay iyadoo ay wasiirro ka tirsan Somaliland Oo wasiirka daakhiligu hoggaaminayaana habeen hore safar dhinaca dhulka ah ku galeen dalka Jabbuuti isla markaana shalay galab ka soo laabteen wallow aan xaqiiqada kulankii ay la yeesheen madaxa jabuuti la shaacin.

Berbera news. Hargeysa