Xildhibaan Nasiib Darro Ku Tilmaamay Labada Xil Ee Uu Isku Hayo Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa dhaliilay labada mansab ee uu isku hayo mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, xilalkaasi oo kala ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid aan dhaqan u ahayn Somaliland.

 
obsiiye1

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye waxa uu sheegay in tallaabada guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ay ka mid tahay hab-dhaqankii dawladdii kali taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, taas oo uu sheegay in ay guul darro siyaasadeed ku tahay himilada Xisbiga WADDANI iyo hanka uu Ciiro ku yahay Musharaxa Madaxweynahaba.

Xildhibaan Obsiiye oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland dhaqan iyo siyaasad midnaba aanay u lahayn in laba xil ama laba masuuliyadod laysku hayo, hase yeeshee maamulkii Siyaad Barre ay jiri jirtay in laba xil laysku hayo.

Mudane Maxamuud Axmed Obsiiye oo arimahaasi ka hadlayaana wuxuu yidhi “Nasiib darro weeye in laba xil uu isku hayo Cirro guddoomiyaha golaha wakiilada iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani, labadaa jago laba is qabanaya maaha ayaan aamin sanahay, sababtuna waxa weeye haduu hadafkiisu yahay in uu ahaado guddoomiyaha golaha wakiilada wuu ku sax sanyahay, laakiin wixii intaas ka baxsan waxay noqonaysaa dhibaato oo laba jago oo laysku hayo ama saddex jago oo laysku hayo wax Somaliland caado u ahayd maaha, marka laga reebo nidaamkii siyaasadeed ee Siyaad Barre oo wax walba isagu ahaan jiray.”

Xildhibaan Obsiiye waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Laba jago oo la isku hayo, waa wax laga tegay waana in qofku ku ekaado jago kaliya oo uu masuuliyadeeda qaato waxaanan labada xil ee uu isku hayaa ay dhaawacayaan himilada siyaasadeed ee murashaxa xisbiga Waddani, haddii ay jirto in uu kaambayn ku galay Jagadkii golaha wakiilkada waa arrin u taalla golaha wakiilada waana arin saamaynaysa mustaqbalkiisa siyaasadeed ayaan aamin sanahay.’’

Sidoo kale, xildhibaan Obsiiye waxa uu sheegay in ay si habsami ah uga socoto diiwaagalinta codbixiyayaashu deegaamada gobalka Hawd. waxaana uu yidhi. “Waxa aan ka mid ahaa weftigii uu hogaaminayay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ee socdaalka ku soo maray deegaamada gobalka Hawd oo diiwaangalinta codbixiyayaashu ka socoto waxaanan soo marnay Cuno- qabad, Sayla iyo Balicabane, goobahaas oo diiwaangalintu ka socoto waxaanu ka qaybgalnay furitaankii diwaangalinta codbixiyayaasha ee gobalka Hawd.”

Mudane Obsiiye waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Diiwaangalinta codbixiyayaashu si fiican ayay uga socotaa gobalka Hawd, dadkuna si fiican ayay isku diiwaangalinayeen waanay ku faraxsanaayeen dadku in ay diiwaangalinta ka qayb galaan, in kasta oo abaaro baahsani jiraan in ay wax doortaan way ajiibeen diyaarna way u ahaayeen in ay codkooda dhiibtaanna, marka ay doorashadu dhacdo way go’aansadeen.’’.ayuu yidhi.xildhibaan.Obsiiye.

Berbera news. Hargeysa